Dawladda Qatar oo Xukuumadda Soomaaliya ugu Baaqday In Ay Erido Safiirka Imaaraatka U Jooga Muqdisho
deganaansho la’aanta Soomaaliyainta ay Imaaraadka faragelinta ku hayaan arrimaha guddaha Soomaaliya waa sida uu hadalka u dhigay.
Qaar kamid ah wargeysyada carabta ayaa iyaguna qoray in xasiloonida Soomaaliya ku xidhan tahay safiirka Muqdisho Imaaraadka Carabta oo la eryo. Sidoo kale warbixin arrintani laga qoray waxay sheegaysaa in saldhigga Imaaraadka Carabta laga siiyey magaalo xeebeedka Berbera isna qeyb ka noqon karo xasilooni darada ka jirta Soomaaliya.
"Qaraxyadda ka dhaca gudaha Soomaaliya ma joogsan doonaan, haddii aan Safiirka Imaaraadka laga masaafurinin Soomaaliya” ayuu yidhi taageerahaasi daacadda u ah Amiirka dalka Qatar, Sheekh Tamiim bin Xamad Al Thani.
Dhanka kale dhawaan ayay ahayd markii xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ay ku dhawaaqday in qaraxyada ka dhaca guddaha Soomaaliya aanay al shabaab uun ka danbeyeynin ee ay cid kale lugta kula jirto.
Labadan hadal ee xildhibaanada iyo kanni taageeraha daacada u ah Amiira Qatar ee isku soo beegmay ayaa muujinaya in ay cabsi gelin karaan sugnaashaha amni ee Soomaaliya maada oo labaduba sheegeen in xasilooni-darada Soomaaliya ka jirta aanay al shabaab uun lug ku lahayn ee cid kale la wado.
Si kastaba ha ahaatee dowladda Qatar oo uu khilaaf Siyaasadeed kala dhexeeyo Imaaraadka, Sacuudiga, Masar iyo Baxrayn waxay xidhiidh wanaagsan la leeyihiin dowladda federaalka Soomaaliya, iyadoo la sheego in ay Madaxweyne Faramaajo ku taageertay dhaqaale, si uu ugu guuleysto madaxtinimada dalkaasi.
Source: Barigaafrikanews
Dawladda Qatar oo Xukuumadda Soomaaliya ugu Baaqday In Ay Erido Safiirka Imaaraatka U Jooga Muqdisho
QATAR: Al-Adam / Afdak Tamim oo ah taageerayaasha dalka Qatar ayaa hadal uu soo dhigay barta uu ku leeyahay Twitter-ka ku sheegay in ay sii socon doonaan qaraxyadda iyo ...