Suuriya: Waxaa la duqeeyay saldhig ay ciidammada cirku leeyihiin
Habka difaaca hawada ee dalkaas ayaana la hawlgaliyay, ayay warbaahintu intaas ku sii dartay.
Telefishinka Suuriya ayaaa sheegay in qaraxyo laga maqlay meel u dhaw saldhigga ciidammada cirka ee T4 ee magaalada Xoms, arrintaasina ay dhacday saacadihii hore ee Isniinta.
Faahfaahinta warka ayaa soo baxaya, walina si madaxbannaan looma xaqiijinin.
Warkan ayaa imaanaya iyadoo iyadoo adduunku uu u dhag taagayo weerar kiimo loo adeegsaday oo la sheegay in laga gaystay magaalada Douma ee dalka Suuriya oo ay gacanta ku hayaan jabhaduhu.
Magalaas ayaa ku taalla Bariga gobolka Quuta.
Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa madaxweynaha Suuriya Bashaar Al Asad ku tilmaamay "xayawaan" wuxuuna isaga iyo xulafadiisa Iiraan iyo Ruushka uga digay in ay cawaaqib xun kala kulmi doonaan.
Suuriya: Waxaa la duqeeyay saldhig ay ciidammada cirku leeyihiin
Garoon diyaaradeed oo ay leeyihiin ciidammada cirka ee Suuriya ayaa gantaallo lagu weeraray, sida ay ku warrantay warbaahinra Suuriya.