Hargeisa:- Qiimaha Maciishada Oo Wali Halkii Hore Taagan Iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Cashuur Dheerada Ah Dul Dhigay + Arimaha Sababay.

0
Monday April 09, 2018 - 12:15:09 in by salman abdi
  • Visits: 1203
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:- Qiimaha Maciishada Oo Wali Halkii Hore Taagan Iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Cashuur Dheerada Ah Dul Dhigay + Arimaha Sababay.

    Hargeisa:- Qiimaha Maciishada Oo Wali Halkii Hore Taagan Iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Cashuur Dheerada Ah Dul Dhigay + Arimaha Sababay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:- Qiimaha Maciishada Oo Wali Halkii Hore Taagan Iyo Wasiirka Maaliyada Somaliland Oo Cashuur Dheerada Ah Dul Dhigay + Arimaha Sababay.

Wasiirka Maaliyadda Somaliland ayaa wareegto cusub oo uu soo saaray waxa uu cashuurtii laga qaadi jiray Badeecadaha uu ku kordhiyay qiime cusub.


Nuqul Ka mid ah Wareegtada korodhka cashuurta maciishada oo ay shabakada hadhwanaagnews Heshay ayaa u dhignaa sidan.
Wasiir Yuusuf Maxamed Cabdi ayaa Wareegtadan cashuur kordhinta ah ee uu soo saaray ku sheegay in ay ka sarayso halkii ay marka hore taagnayd oo ahayd mid aan waafaqsanayn nidaamka.

Laga Bilaabo maanta oo ay taariikhdu tahay 9.4.2018 waxaa wax ka bedel lagu sameeyay sarrifkii cashuuraha badeecadaha iyada oo markii hore aanay isku dhaweyn sarrifka suuqa iyo ka badeecadaha lagu cashuuraa ayna is dheeraayeen 100% laban laab.

hadaba siaynu ugu dhawaano xaqiiqda sarrifka iyada oo uu dhacay qiime dhac ku yimid shillinka somaliland taas oo keentay in ay kala fogaadaan lacagta sarrifka suuqa iyo sarrifka cashuurta badeecadduhu, waxaanu wax ka bedel ku samaynay sarrifka cashuurta cashuurta badeecadaha marka laga reebo jaadka iyo shiidaalka.

 

1- qiimaha sarifka cashuurta Sonkor, Bariis, Daqiiq, Pasta iyo Makaroone waxa laga dhigay $1 oo u dhiganta SLSH 6000

2- qiimaha sarifka cashuurta Badeecadaha kale $1 oo u dhiganta SLSH 7000



Halkan Hoose Ka Akhri Waraaqda

Korodhka qiimaha sarrifka cashuurta laga qaado badeecadaha kala duwan ee dalka la soo gelinayo ayaa kor u sii qaadi karta qiimihii awalba dadku ay ka cabanayeen ee laga siin jiray Badeecadaha.

sidoo kale wasiirku waxa uu iyadana cashuurihii laga qaadi jiray baabuurta raaxada ee soo degaysa uu ku daray 40%, waxaanay hore u ahaan jirtay $1600.