Caalamka:- Dadka Britain u dhashay ee dhalashooyinka ka qaatay Midawga Yurub oo sare u kacay 2016kii.

0
Tuesday April 10, 2018 - 08:57:21 in by salman abdi
  • Visits: 761
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:- Dadka Britain u dhashay ee dhalashooyinka ka qaatay Midawga Yurub oo sare u kacay 2016kii.

    Caalamka:- Dadka Britain u dhashay ee dhalashooyinka ka qaatay Midawga Yurub oo sare u kacay 2016kii.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:- Dadka Britain u dhashay ee dhalashooyinka ka qaatay Midawga Yurub oo sare u kacay 2016kii.

Dadka Britain u dhashay ee dhalshada laga siiyay dalalka kale Midawga Yurub ayaa sare u kacay in ka badan labo jibaar sannadkii ay dhacday aftidii Britain, sida ay muujinayso tiro cusub oo la baahiyay.

Dalka Jermalka ayaa dhalashooyinkii ugu badnaa gudoonsiiyay muwaadiniinta UK sannadkii 2016kii, sida ay sheegtay Eurostat oo ah hay'adda yurub u qaabilsan tirokoobyada.

Dalka Sweden ayaa ah mid labaad ee aad loo xiiseeynayay waxaana dhalasho ka qaatay 978 ruux.

Hay'adda Eurostat ma aysan sheegin tirada muwaadiniinta Britain ee dhalasho ka qaatay dalalka Midawga Yurub wixii ka horreeyay bishii Juunyo ee sannadkii 2016ka oo aftidu dhacday iyo wixii intaas ka dambeeyayba.

Tiradaas ayaa muujinaysa in ay aad u kordheen dadka Britain u dhashay ee doonaya in ay muwaadiniin ka noqdaan dalalka kale ee Midawga Yurub, sannadkii 2016kii waxay dadkaas gaareen 6,555 oo muwaadin, taas oo afar jibaar ka badan dadkii dhalashooyinka kale dalbaday sannadkii 2017ka.

Sannadkii hore xog midan ka duwan oo BBC-du heshay waxay tilmaamaysay in tobannaan kun oo muwaadiniinta Britain ah ay dalbadeen dhalashooyinka dalalka Midawga Yurub, arrintaasina ay dhacday 12kii billood ee ku xigtay aftidii Britain ay u qaaday Midawga Yurub.

UK ayaa u codaysay in ay Midawga Yurub isaga baxdo 23 Juunyo ee sannadkii 2016ka, laakiin hawshaasi ma dhaqan galayso inta ka horraysa bisha Maarso ee 2019ka - xoriyadda isu socodkuna waxay sii jiri doontaa tan iyo dhammaadka xiliga "kala guurka" ee 31 bisha Disembar ee sannadka 2020ka.