Dubai: Dawladda Imaaraatka Carabta Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyay Lacagtii Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

0
Tuesday April 10, 2018 - 23:15:49 in by salman abdi
  • Visits: 579
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Dubai: Dawladda Imaaraatka Carabta Oo Luuqad Adag Ku Cambaareeyay Lacagtii Lagu Qabtay Garoonka Diyaaradaha Muqdisho

    Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ayaa si kulul loogu cambaareeyay dawlada Soomaaliya

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Imaaraadka Carabta ayaa si kulul loogu cambaareeyay dawlada Soomaaliya

falkii ay ku qabatay diyaarada laga lahaa Imaaraadka Carabta magaalada Muqdisho taasoo sidey lacag gaareysa US$9.6 million oo kaash ah oo loogu talo galay in lagu taageero ciidamada Soomaaliya iyo macalimiinta tababarta.

Wasaarada ayaa intaa ku dartay in ciidamo saarnaa diyaarada ay xadgudub kula kaceen ciidamada Soomaaliya oo qoryo ku qabteen.
"Arrintan waa sharci darro ka soo horjeeda xushmada diblumaasiyiinta u dhexeysa labada dal iyo heshiis is faham ah oo dhex maray labada dal bishii November sanadkii 2014,”ayaay intaa sii raacisay Wasaarada Arrimaha Dibada Imaaraadka Carabta.


"falkan waxa uu yahay xadgudub xeerarka caalamiga ah iyadoo Imaaraadkuna uu siiyo kaalmo dhinac walba ah gaar ahaan dhinaca siyaasada,Milatariga iyo gargaar aadanimo si ay xasisho dowlada federalka Soomaaliya.”ayaa lagu yidhi qoraalka ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibadda Imaaraadka sida ay daabacda wakaalada wararka WAM Lacagta lagu qabay garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho siddeedii bishan ayaa la geeyay Bangiga dhexe ee Soomaaliya illaa iyo haddana lama oga sida laga yeelayo lacagtaas.