Myanmar:- Qaxootigii ugu horreeyay ee Muslimiinta Rohingya oo ku laabtay Myanmar.

0
Sunday April 15, 2018 - 08:23:18 in by salman abdi
  • Visits: 548
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Myanmar:- Qaxootigii ugu horreeyay ee Muslimiinta Rohingya oo ku laabtay Myanmar.

    Myanmar:- Qaxootigii ugu horreeyay ee Muslimiinta Rohingya oo ku laabtay Myanmar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Myanmar:- Qaxootigii ugu horreeyay ee Muslimiinta Rohingya oo ku laabtay Myanmar.

Dolwadda Myanmar ayaa sheegeysa in ay dalkeeda dib ugu celisay qoysaskii ugu horreeyay ee ka tirsan Muslimiinta qowmiyadda laga tirada badan yahay ee Rohingya ee saandkii hore u qaxay dhanka Bangladesh.

Myanmar waxa ay sheegtay in shan qoys oo ka tirsan qiyaastii 700,000 ee qof ee sanadkii hore ka qaxay dalkaasi ay hadda dalka ku soo laabteen, iyadoo la geeyay xero ku taalla gobolka Rakhine.

Kaddib bilo ay wadahadal dhex marayeen waddamada Bangladesh iyo Myanmar ayaa waxa ay markii dambe ku heshiiyeen in muddo laba sano gudahood ah lagu soo afjaro dib u celinta qaxootiga Rohingya.

Balse Qaramada Midoobey ayaa ka digtay dhibaatada soo wajihi karta dadkani la doonayo in Myanmar dib loogu celiyo maadaama xukuumadda Myanmar aysan diyaar u ahayn dadkaasi.

Dadyowga Muslimiinta Rohinja ayaa ka khaxay dalka Myanmar kaddib markii milatariga Burma uu billaabay hawlgal Qaramada Midoobey ay ku tilmaantay isir sifeyn ka dhan ah qpwmiyaddan Rohingya.

Dowladda Myanmar ayaa beenisay eedeymahaasi waxa ayna hawlgalkaasi ku tilmaantay mid sharciga waafaqsan oo lagula tacaalayo kacdoon ka jira gobolka Rakhine.