SOOL "Ciidanka Somaliland Waxa uu Bixinayaa Jawaab aan La mahadin Haddii lagu Soo Xad gudbo Xuduudaha Somaliland" Wasiir Saleban Cali Koore
Wasiirka wasaarada biyaha Somaliland Saleebaan Cali Koore Ayaa gaadhay deegaanka Tuka-raq oo ka tirsan gobolka sanaag waxaana uu sheegay in ciidanka somaliland markasta Ay u taagan yihiin difaaca qaranimada iyo xududa ay leedahay somaliland.
Wasiirka ayaa sheegay in ciidanku intii ay ku sugnayeen deegaanka tuka-raq ay soo celiyeen kala
dambayntii iyadda oo waliba markii ugu horaysay laga sameeyay ciidan boolis oo nabad galiyadda
deegaanka gacanta ku hayn doono.
Saleebaan Cali Koore oo hadalkiisa ku ladhay hanjabaad ayaa sheegay in ciidanka somaliland sugayaan
Markasta wakhtigasta iyo waliba goor Walba xuduudaha somaliland waxaana uu yidhi.
"ciidanka somaliland cidna duulimaad kuma ah siiba cidda
ay xuduudaha la leedahay ee ah somaliya,nabad galyo ayuu ciidankani hormuud ka yahay,waxaana kale oo uu hormuud ka yahay inuu
markasta bixiyo jawaab qaran lakiin marabno inaanu waddanka ka abuurno Nabad galiyo,markasta waxaanu u taaganahay inaanu difaacno
Xuduudaha dhuleeda ee somaliland leedahay"
intaas waxa uu ku daray wasiirka biyaha somaliland saleebaan cali koore oo hadalkiisa siiwataa. "waxaan
halka ka sheegayaa oon waliba ku cel-celinayaa hadii lagu soo xad-gudbo dhulka somaliland ciidankani
waxa uu bixinayaa jawaab adag oo la mahadin doonin,dadka deegaanka waxaan farayaa waxa laydinka
doonayaa inaad noqotaan ummad gacmaha is qabsadda.