Gudaha:- Shir Lagaga Hadlayo Qaddiyada Somaliland oo Lagu Qabanayo Baarlamaanka Midowga Yurub.

0
Saturday April 21, 2018 - 11:17:06 in by salman abdi
  • Visits: 516
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:- Shir Lagaga Hadlayo Qaddiyada Somaliland oo Lagu Qabanayo Baarlamaanka Midowga Yurub.

    Gudaha:- Shir Lagaga Hadlayo Qaddiyada Somaliland oo Lagu Qabanayo Baarlamaanka Midowga Yurub.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:- Shir Lagaga Hadlayo Qaddiyada Somaliland oo Lagu Qabanayo Baarlamaanka Midowga Yurub.

Waxa magaalada Brussels ee xarunta baarlaamaanka Midowga Yurub lagu qabanayaa 22ka Bisha May ee fooda innagu soo haysa Shir Lagaga hadlayo dawladnimada Somaliland iyo dimuqraadiyadii ay u dhacday 2017kii doorashadii madaxtooyada oo caalamku qiray xornimadeedii.


Siday werisay wakaaladda wararka Somaliland ee SOLNA, waxaa shirkan wada jir u qaban-qaabinaya ururka dalalka aan la aqoonsanayn ee adduunka iyo xildhibaan Frank Engel oo u dhashay waddanka Luxembourg oo ka tirsan Baarlamaanka Midowga Yurub.

 

War-murtiyeed ka soo ka soo baxay maanta qabanqaabiyeyaasha shirkan ayaa lagu sheegay in shirkani uu ka dhashay midhihii ka soo baxay doorashadii sida xorta ah uga dhacday Somaliland 13kii November 2017kii iyo sidii nabadgelyada ahayd ee ay xukunka iskugu wareejiyeen madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo madaxweynaha cusub Md. Muuse Biixi Cabdi.

Waxa kaloo ururka dalalka aan la aqoonsanayni ay ku doodeen in Somaliland ay dimuqraadiyad ugub ah ka samaysay Geeska Afrika oo ah mandaqad aan degaynayn.

Shirkan lagu soo qaadayo Jamhuuriyadda Somaliland waxa ka soo qaybgali doona masuuliyiin ka tirsan xukuumadda Somaliland iyo Dr. Michael Walls oo ahaa madaxii goobjoogeyaashii caalamiga ahaa ee kor-joogtaynayey doorashadii Waddanka ka qabsoontay oo hore u amaanay hufnaantii doorashadu u qabsoontay.

Ururka waddamada aan la ictiraafin ee adduunku waxay intaas ku dareen in kulankani uu kor u qaadi doono xidhiidhka caalamiga ah iyo dedaalka Somaliland ugu jirto inay madax-bannaanideeda u hesho aqoonsi.

Waxa kaloo ay iftiimiyeen in Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudaha bud-dhigga ah ee laga doonayo qarammada madaxa-bannaan ee adduunka, waxaanay sheegeen in Somaliland ururka dalalka aan la aqoonsan xubin ka ahayd ilaa sannadkii 2004tii.