Maraykanka:-Darasadd Laga Sameeyayay Maraykanka Oo La Sheegay In Afrikaanku Ka Aqoon Badan Yihiin Dadka Kasoo Jeeda Yurub+Sababta Keentay
Boqolkiiba lixdan iyo sagaal (69%) dadka qaxootiga ah ee ku sugan Mareykanka oo da'doodu ka sareeyso 25 jir ayaa ayaa haysta shahaadada collage-ka, marka loo barbar dhigo kuwa UK oo boqolkiiba afartan iyo sagaal (49%) ah. Waddamada kale ee ree galbeedka ah ee ay u badanyihiin muhaajirinta afrikanka ah waa ayba ka sii hooseeyan tiradaasi.
Inta badan muhaajirinta Afrikanka ah ayaa Mareykanka ku tagay program-ka uu Mareykanka bixiyo ee Lottery loo yaqaan kaasi oo qofka looga baahanyahay in ugu yaraan uu haysto shahaadada dugsiga sare.
Xarunta waxyaabaha kale ay ogaatay waxaa ka mid ah:
• 63% dadka dadka ku dhashay Mareykanka ayaa waxa ay haystaan shahaadada collage-ka taas oo ka hooseysaa 69% ka muhaajiriinta Afrkaanka ah.
• 30% dadka ku dhashay UK ayaa haysta shaahaada collage-ka taasi oo iyadana ka hooseeysa 49% ka muhaajiriinta Afrikaanka ah.
• Muhaajiriinta Afrikaanka ah ee aqoonta leh ee ku sugan Mareykanaka ayaa wax aka da'yar yihiin kuwa UK.
Maraykanka:-Darasadd Laga Sameeyayay Maraykanka Oo La Sheegay In Afrikaanku Ka Aqoon Badan Yihiin Dadka Kasoo Jeeda Yurub+Sababta Keentay
Qaxootiga dhalashada laga siiyay Mareykanka ayaa inta badan waxa ay ka aqoon badan yihiin kuwa Ingiriiska sida ay sheegatay xarunta xilmi baarista Pew ee fadhigeedu yahay Mareykanka.