Hargeisa:-Golaha Wasiirada Somaliland Oo Go,aamiyey In Sharciga Lala Tiigsado Shiradii Dalka Keentay Shidaalka Xun , Amaro Kale-na Soo Saarey.

0
Thursday April 26, 2018 - 16:16:52 in by salman abdi
  • Visits: 534
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Golaha Wasiirada Somaliland Oo Go,aamiyey In Sharciga Lala Tiigsado Shiradii Dalka Keentay Shidaalka Xun , Amaro Kale-na Soo Saarey.

    Hargeisa:-Golaha Wasiirada Somaliland Oo Go,aamiyey In Sharciga Lala Tiigsado Shiradii Dalka Keentay Shidaalka Xun , Amaro Kale-na Soo Saarey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Golaha Wasiirada Somaliland Oo Go,aamiyey In Sharciga Lala Tiigsado Shiradii Dalka Keentay Shidaalka Xun , Amaro Kale-na Soo Saarey.

Kal-fadhigii tobnaad (10aad) ee

ay yeeshaan golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana uu shir-guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 26.04.2018, ka qabsoomay xarunta Madaxtooyada.

Image may contain: 2 people, people sitting, table and indoor



Shirkan, ayaa si faahfaahsan loogaga dooday arrimo ku saabsan dhibaatooyinka dhinacyada kala duwan ee nolosha ka haysta bulshada iyo caqabadaha soo kordhay, waxaana wax la iska weydiiyey sidii wada-jir loogaga bixi lahaa dhammaanba culaysyada kala duwan ee bulshada haysta.

Dood iyo falanqayn dheer kadib, kal-gadhiga golaha wasiirrada, waxa kasoo baxay qoddobo door ah oo ku saabsan sidii wax looga qaban lahaa shidaalka wasakhaysan ee dalka soo galay, kaas oo khasaare gaadhsiiyey gaadiid tiro badan, isla markaana ay xukuumaddu u yeelan lahayd shaybaadh casri ah oo lagu hubiyo tayada shidaalka waddanka soo gelaya, waxaana qodobadda soo baxay ay u dhignaayeen sidan:

1.In tallaabo sharciga waafaqsan laga qaado shirkadihii keenay shidaalkii wasakhaysnaa ee dhibaatada soo gaadhsiiyey qaar kamid ah gaadiidka dalka.

2.In Hay’adda Dhawrista tayada Somaliland ay la wareegto awoodda shaybaadhka hubinta shidaalka ee yaalla xarunta keydka shidaalka, si loo sugo tayada shidaalka dalka soo gelaya.

3.In xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland keento lab (Shaybaadh) ay is u leedahay xukuumaddu laguna hubiyo tayada shidaalka waddanka soo gelaya, isla markaana kor loogu qaado awooddahay’adda dhawrista tayada ee dalka.

4. In wasaaradda ganacsiga, wershadaha iyo dalxiisku yeelato awoodda ugu dambaysa ee shidaalka dalka gudihiisa lagu isticmaalayo.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa uu xubnaha golaha wasiirrada uga mahadnaqay doorkii muuqday ee ay ku lahaayeen horumarkii ay xukuumaddu ku tallaabsatay muddadii 120-ka maalmood ahayd ee ay talada hayay.