Washington:-Wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay Guinea 'oo gabar ku addoonsanayay Mareykanka'.

0
Saturday April 28, 2018 - 08:01:04 in by salman abdi
  • Visits: 482
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay Guinea 'oo gabar ku addoonsanayay Mareykanka'.

    Washington:-Wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay Guinea 'oo gabar ku addoonsanayay Mareykanka'.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay Guinea 'oo gabar ku addoonsanayay Mareykanka'.

Wiil uu dhalay madaxweynihii ugu horreeyay dalka Guinea Axmed Sékou Touré ayaa waxaa lagu eedeeyay inuu haweeney da'yar muddo 16 sano ah ku addoonsanayay gurigiisa oo ku yaal waddanka Mareykanka.

Maxamed Touré iyo xaaskiisa Denise Cros-Touré, oo labaduba 57 jirro ah, ayaa lagu soo warramayaa inay inanta ka keeneen waddanka Guinea oo ay geeyeen gobolka Texas iyadoo shan sano jir ah.

Ugu dambeyntii haweeneydaasi waxaa u suuragashay inay soo baxsato kaddib markii ay gacan ka heshay dadka dariska ah.

Lamaanaha ayaa waxaa lagu soo eedeeyay inay qof qasab ku shaqo galiyeen, oo haddii eeddaasi lagu helana waxa ay wajahayaan jeel ilaa 20 sanadood ah.

Mohamed Touré waxa uu hadda yahay Xoghayaha Guud ee Xisbiga Dimuqraadiga ee Guinea ee (DPG), xisbigaas oo uu aabihii aasaasay.

Isaga iyo xaaskiisa ayaa inanta waxa ay ku qasbeen inay guriga ka shaqeyso oo ay carruurtana xannaaneyso, sidoo kalana waxa ay u gasteen tacaddiyo jireed iyo mid maskaxeed, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay wasaaradda Cadaallada ee Mareykanka.