Hargaysa:-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Sheegay Inaanu Aqbali Doonin Go’aan 15 Cisho Lagaga Joojiyey Shaqada

0
Saturday April 28, 2018 - 19:10:39 in by salman abdi
  • Visits: 491
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargaysa:-Xildhibaan Ka Tirsan Golaha Wakiilada Oo Sheegay Inaanu Aqbali Doonin Go’aan 15 Cisho Lagaga Joojiyey Shaqada

    Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka mid ah mudenayaasha golaha wakiilada ayaa laga joojiyay inuu xayndaabka golahaas soo galo mudo 15 cisho ah,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Xildhibaan Xaamud Cismaan Cigaal oo ka mid ah mudenayaasha golaha wakiilada ayaa laga joojiyay inuu xayndaabka golahaas soo galo mudo 15 cisho ah,

iyada oo lagu haysto hadal dhawaan uu warbaahinta u sheegay oo ah in golaha wakiilada uu madaxweynuu kala diro isaga oo xildhibaanada ku eedeeyay inay laaluush qaataan.


Ugu horayntii xildhibaan Xaamud oo ka hadlaayay joojinta laga joojiyay galitaanka golaha wakiilada waxa uu yidhiXildhibaan Xaamud ayaa sheegay in aanu aqabli doonin anshax marintaas, waxaanu ku celiyay in ansixintii heshiisyada muhiimka ah ay golaha wakiiladu qaataan lacag laaluush ah lagu siiyo oo uu sheegay in lagu magacaabo abaalmarin.


"Hadday tahay gudida joogta ah iyo guddoomiyaha Aniga cid ii yeedhay ma jirto go’aankana iyaga ayaa gaadhay inuu xoghayaha ku kooban tahayna waa laga yabaa, aniga isaga ayaa ii sheegay oo waxa uu igu yidhi warqad ayaan kuu hayaa inuu warqada ii keeno ayay ahayd oo aan arko warqada waxa ku qoran,xaqna uma laha inuu taleefanka iiga sheego xoghayahu oo uu yidhaaho sidaas iyo sidaas ayaa lagu yidhi.”

 

Xildhibaan Xaamud oo hadalkiisa sii wata ayaa waxa uu yidhi.”Runtii wixii ay doonayeen iyo go’aankii ay rabeen way gaadheen iyaga oon ii yeedhin waxna i waydiin waxkasta oon ku hadlana wixii igu kalifay aan lay waydiin aniguna aanan is difaacin,taasina marka aynu eegno nidaamka golayaasha meel ay kaga jirto garan maayo,waxa kale oon halkan ka sheegayaa inaanu golaha wakiiladu lahayn Xeer hoosaad anigu intaas waxaan ku doodayay waar xeer hoosaadka golaha wakiiladda fadhiga keena oo markasta lama keeno waana Laga saraa ajandayaasha.”

Dhinaca kale Xildhibaan Xaamud waxa uu soo bandhigay Laaluush ay qataan golaha wakiiladda Somaliland marka ay golaha yimadaan heshiisyadda xasaasiga ahi.”maalintii dhawayd ee la ansixinayay heshiisyadda anigu umaan codayn hadaan u codeeyana waxaan noqon lahaa dambiile waayo meesha lacag ayaa timid oo waanala baayacay oo rag ay xukuumadu soo dirsatay ayaa jira,waxa kale oo is Waydiin leh aniga oo heshiiskaas u codayn kara maxaa lacag laygu siinayaa dabadeed waxa laygu yidhi laaluush lacagtani maahee waa abaal marin,waxaanan halkan ka sheegayaa lacagtaasi waa musuq-maasuq.”

Xildhibaan Xaamud ayaa dhawaan soo jeediyay in la kala diro golaha wakiilada oo uu u jeediyay eedo, hadalkan oo ah ka keenay in 15 cisho oo anshax marin ah golaha wakiilada laga mabnuuco”Haddii madaxweynaha la qoonsado oo qaraarada ay dawladu gaadhayso la qoonsado in dawladba la inqilaabi karo oo lagu inqilaabi karo lacag la siiyo xildhibaanada oo la yidhaahdo mooshin ka keena xilka lagaga xayuubinaayo. Waxaan leeyahay golaha kala dir, dastuurku waxa uu sheegayaa sanadka ugu horeeya golaha lama kala diri karo ka ugu danbeeyana lama kala diri karo, hadaba kani kii ugu danbeeyay maaha oo golaha waa uu soo dhamaystay wakhtigiisii maanta waad kala diri kartaa kala dir ayaan leeyahay madaxweyne golaha foolxumadiisii ayaa faro badatay, waxyeeladiisii ayaa faro badatay, xeer ilaaliyahana ku boori inuu arintaas kiis ka bilaabo.”