Hargeisa:-"Kominshanka Doorashooyinka Waxaan U Soo Jeedinayaa Inay Dhamaantood Iscasilaan" Siyaasi Mustafe Shiine.
War Qoraal Ah Oo Uu Soo Saaray Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Somaliland Sharmaarke Axmed Muxumed (Geelle) ayaa waxa uu ku sheegay In Maalinta Berri ah oo ku beegan Maalintii Shaqaalaha Aduunku guud ahaanba shaqaalaha somaliland ay fasax ka noqon doonaan hawlahooda.
Warkan oo soo gaadhay Hadhwanaagnews ayaa waxa uu u dhignaa sidan"Iyada oo maalinta beri ah ee taariikhdu tahay 01/05/2018 ay ku beegan tahay maalinta shaqaalaha aduunka ayey badi dalalka
Haddaba, Guddida Hay’adda shaqaalaha dawladdu iyaga oo u riyaaqsan qiimaha shaqaalaha dawladdu kaga jiraan horumarka dalka iyo bixinta adeega isla markaana ka warqaba in ay kamid tahay fasax sanadeedka shaqaalaha dawladda, waxa ay shaqaalaha dawladda ku wargelinaysaa in maalinta Salaasada ah taariikhduna tahay 01/05/2018 ay noqon doonto maalin fasax oo shaqaalaha dawladdu ka nasan doonaan shaqadii maalin-laha ahayd
Shaqaalaha Dawladda Somaliland meel ay jooganba waxaan u rajaynayaa cizi, cibaado iyo caafimaad waxaanan Alle uga baryayaa bashbash iyo badhaadhe
Sharmaarke Axmed Muxumed Geelle
Gudoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda JSL