Washington:-Trump oo dib u dhigay canshuur uu ku soo rogi lahaa Midawga Yurub

0
Tuesday May 01, 2018 - 11:05:52 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Trump oo dib u dhigay canshuur uu ku soo rogi lahaa Midawga Yurub

    Washington:-Trump oo dib u dhigay canshuur uu ku soo rogi lahaa Midawga Yurub

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Trump oo dib u dhigay canshuur uu ku soo rogi lahaa Midawga Yurub

Maamulka madaxweyne Trump ayaa wakhtiga u kordhiyay wadaxaajoodka ku saabsan ganacsiga birta iyo naxaasta ee uu Maraykanku la leeyahay Midawga Yurub, Canada iyo Mexico.

Wadahadalka ayaana sii socon doona ilaa 30 maalmood oo kale.

Maraykanka ayaa dhanka kalana heshiis la gaaray Argentina, Brazil iyo Australia.

Madaxweyne Trump ayaa bishii Maarso soo rogay canshuuro dheeri ah oo uu ku soo rogay birta iyo naxaasta adduunka looga soo dhoofiyo.

Intaas wixii ka dambeeyayna dalalka qaar ayaa si ku meelgaar ah looga saamaxay canshuurahaas dheeriga ah, waxaana ka mid ah Canada, Mexico iyo dalalka ku jira Midawga Yurub.

Shiinaha ayaase canshuurta lagu kordhiyay oo aan lagu darin dalalka sida ku meelgaarka ah looga saamaxay, isaga oo aarsanaya ayuuna alaabada Maraykanka looga soo dhoofiyo canshuuro ku soo rogay.

Trump ayaa markaas ku baaqay in canshuuraha lagu sii kordhiyo alaabada Shiinaha, arrintaas ayaana sare u qaaday xiisadda ka dhex aloosan labadan dal ee waawayn.

Kuuriyada Koonfureed ayaa si buuxda looga cafiyay canshuurtii la kordhiyay waxayna ku baddalatay in ay 30% dhinto birta ay u dhoofiso Maraykanka.