Hargeisa-Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Dalku Marayo Maanta Iyo Tallooyin Uu Bixiyey.

0
Tuesday May 01, 2018 - 11:05:52 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa-Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Dalku Marayo Maanta Iyo Tallooyin Uu Bixiyey.

    Hargeisa-Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Dalku Marayo Maanta Iyo Tallooyin Uu Bixiyey.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa-Madaxweyne Ku-xigeenkii Hore Ee Somaliland Oo Ka Hadlay Xaalada Dalku Marayo Maanta Iyo Tallooyin Uu Bixiyey.

Mujaahid Xasan Ciise Jaamac, oo ahaa madaxweyne-xigeenkii u horeeyay ee Somaliland , ayaa ka hadlay marxalada ay Somaliland marayso. Xasan Ciise Jaamac, oo qoraal soo saaray, wuxuu ka digay cawaaqibka ka dhalan kara farriimaha aan quruxda badnayn ee ay isweydaarsadaan taageerayaasha muxaafidka iyo mucaaradku. Qoraalka Xasan Ciise wuxuuu dhignaa sidan: "Laba eray, mid gaara iyo mid guud, Marxaladan iyo Somaliland”


1 .Ereyga gaarka ah ee marxaladan: Shaki igagama jiro laba arimood. Haddii uu Muuse maanta mucaarid ahaan lahaa, Cirrona madaxweyne ahaan lahaa shaki igagama jiro in Muuse mucaaridilaha Cirro sida uu imika Cirro mucaaridayo Muuse iyo si ka daran. Waxa kale oon shaki igaga jirin in hadii arintu sidaasahaan lahayd ( ileyn ma muuqdaan cid u bedelilaheyd sacuudiga iyo imaaraadkuye ) inuu Ciro saxeexi lahaa heshiisyada Imaaradka ee uu imika ku canbaareynayo Muuse. Waa halkii reer bariga fog ee boowe maxaa kuu baxay?! Waxa kuu baxay waa siyaasad ah bariga dhexe ! 2.Ereyga guud: Nidaamka siyaasadeed ee dimooqaraadiyada iyo xisbiyada badan waxaynu kasoo qaadanay reer galbeedka. Ma xuma, oo cilmiga iyo xikmada waxa la ina faray inaynu meelkasta ka doonano. Tariikhda aduunkuna weligeedba waxay ahayd laga barayba laga badi. Waxase cadaana inaanu nidaamkani si fican u abaqaalmin waabeynu siganey ololoyashii iyo labadii doorasho ee udanbeeyey. Waxaad ku garaneysaa, colaada iyo ceyda iyo naceybka ay is weydarsanayaan taageerayaasha muxaafidka iyo mucaaridku. Waxa la gaadhay, ayaan qabaa,wakhtigii aynu dib u eegis ku samayn lahayn nidaamkan aynu dibada kasoo qaadanay ee aynu qiimaynlahayn waxaynu ka faa’iidnay iyo wixii dhibaato ah ee uu inagu keenay, dabeetana xalka isweydiinlaheyn. Arintani cidkasta oo siyaasada danaynaysa wey khusaysaa, xukuumadana si gaara ayay u khuseysaa.”