Muqdisho:-Dawladda Soomaaliya waan ognahay cidda afduubtay shaqaalaha ICRC.

0
Friday May 04, 2018 - 11:07:58 in by salman abdi
  • Visits: 647
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Dawladda Soomaaliya waan ognahay cidda afduubtay shaqaalaha ICRC.

    Muqdisho:-Dawladda Soomaaliya waan ognahay cidda afduubtay shaqaalaha ICRC.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Dawladda Soomaaliya waan ognahay cidda afduubtay shaqaalaha ICRC.

Dawladda Soomaaliya ayaa sheegtay magaca shakhsiga ka dambeeya afduubka gabar kalkaaliso caafimaad ah oo u dhalatay Jarmalka, una shaqaysa hay'adda laanqayrta cas ee caalamiga ICRC, taasoo lagu afduubay xalay magaalada Muqdisho.

Afhayeenka wasaaradda amniga, C/casiis Cali Ibraahim (Xildhibaan) ayaa magac dhebey ilaalada xarunta ICRC oo uu sheegay in uu hogaaminayey nin uu magaciisa ku sheegay Maxamuud Maxamed Calas oo uu sheegay inuu ka mid yahay ilaalada xarunta.

C/casiis xildhibaan oo BBC la hadlay wuxuu sheegay in ay wadaan baaritaan iyo dadaal ay doonayaan in ay ku soo furtaan gabadhaas la afduubtay

Wuxuu intaa ku daray in ciidanka amaanka ay xabsiga u dhaadhiciyeen ilaaladii xarunta ku sugnayd wakhtigii uu dhacay afduubka.

Ilaa hadda lama oga meel lala aaday iyo xaaladda ay ku sugan tahay gabadhaas la afduubtay.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Jarmalka ayaa isna sheegay in dawladdiisu ay ka war hayso afduubka gabadhaas kaalkaalisada ah.

Lanqayrta cas ee caalamiga ayaa iyana barteeda Internetka soo dhigtay qoraal kaga walaacsan tahay bedqabka gabadhaas, waxayna intaa ku dareen in ay xiriir kala leeyihiin maamullada qaarkood sidii loo sii deyn lahaa.

Afduubkan ayaa ku soo beegmaya ayadoo laba maalmood ka hor ka hor suuqa Bakaaraha lagu dilay gabar u shaqayn jirtay hay'adda caafimaadka adduunka ee WHO.