Caalamka:-Akdamiyada abaalmarinta Nobel oo maanta shaacinaysa cidda guulaysatay.

0
Friday May 04, 2018 - 11:07:58 in by salman abdi
  • Visits: 691
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Akdamiyada abaalmarinta Nobel oo maanta shaacinaysa cidda guulaysatay.

    Caalamka:-Akdamiyada abaalmarinta Nobel oo maanta shaacinaysa cidda guulaysatay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Akdamiyada abaalmarinta Nobel oo maanta shaacinaysa cidda guulaysatay.

In abaalmarinta nabadda ee Nobel ay sidii caadiga ahayd ay u sii soconayso iyo in kale ama meesha laga saarayo sanadkan ayaa lagu dhawaaqi doonaa sacadaha soo socda.

Waxaa arrintan shaacin doona ururka soo xula cidda biladda ku guulaysata.

Akadamiyadani oo fadhigeedu yahay dalka Sweden ayaa waxa ay balanqaadeen in ay bayaan soo saari doonaan iyaga oo qirtay in ay wajahayaan dhibaato ku saabsan qaabkii ay ula tacaaleen eedeeymo la xiriiray dhanka galmada .

Tani waa fadeexadii ugu weynayd ee soo wajahda abaalmarinta Nabadda ee Nobel tan iyo markii la as'aasay sanadii 1901-dii

Kala qaybsanaanta ayaa soo if baxday sanadkii tegay markii sawir qaade u dhashay dalka Farasniiska oo lagu magacaabo jeane claude Arnault, oo ka tirsan guddida Sweden lagu eedeyay in u faraxumeeyay 18 dumar ah, eedeymahaasi oo u iska foogayay.

Akademiyadda ka masuulka ah soo xulashada qofka billada ku guuleysanaya ayaa waxaa ka dhex jirta dhibaato ka dib markii lix kamid xubnaheeda ay is casileen

Xaskiisa ayaa xubin ka ahayd guddiga abaalmarinta taas oo horseeday baaqyo ah inay is casisho sababo la xiriira walac laga qabay inay xaglin ama eex samayso, Toddobaadkii hore ayayna jagada baneysay.

Hadda waxaa shaqeynaya 10 ka mid ah 18kii xubnood ee guddiga uu ka koobnaa, walaaca ugu weyna aayana ah in hay'adda ay wayso awoodda ama kalsoonida ay billada sanadkan ku bixin karto.