Wasiir-Xigeenka Warfaafinta Oo Maxkamadda Sare U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Go'aan Ay Hore U Soo Saareen Komishanka Doorashooyinku

0
Saturday May 05, 2018 - 11:50:29 in by salman abdi
  • Visits: 569
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir-Xigeenka Warfaafinta Oo Maxkamadda Sare U Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Go'aan Ay Hore U Soo Saareen Komishanka Doorashooyinku

    Wasiir-xigeenka Warfaafinta Maxamed Muuse Abees, ayaa maxkamadda sare ee Distooriga ah u gudbiyay dacwad ka dhan ah go'aan ay guddiga doorashadu toddobaadkan u gudbiyeen maxkamadda sare

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wasiir-xigeenka Warfaafinta Maxamed Muuse Abees, ayaa maxkamadda sare ee Distooriga ah u gudbiyay dacwad ka dhan ah go'aan ay guddiga doorashadu toddobaadkan u gudbiyeen maxkamadda sare

oo ay siyaasiga Xuseen Axmed Caydiid u aqoonsadeen inuu yahay xubinta xaqa u leh inay buuxiso jagadii golaha wakiilada ee uu baneeyay Alle haw naxariiste Marxuum Ibraahim Axmed Raygal (Ibraahim-kacaan). 

Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay ilo xogogaala.

Guddiga doorashooyinka ayaa Isniintii maxkamadda sare u gudbiyay in Xuseen Axmed Caydiid yahay mudanaha buuxinaya jagadaas uu baneeyay Alle haw naxariiste xildhibaanka geeriyooday. Go’aanka guddiga doorashada ayaa yimid ka dib markii ay maxkamadda sare ku amartay inay soo magacaabaan xubinta ay u garteen inuu kursigaas buuxinayo.

Hase yeeshee sida ay ilo xogogaali u sheegeen Geeska Afrika wasiir-xigeenka warfaafinta Md. Maxamed Muuse Abees ayaa khamiistii maxkamadda sare u gudbiyay dacwad ka dhan ah kursigaas ay guddiga doorashadu u garatay inuu buuxinayo Xuseen Axmed Caydiid. Wasiir Abees ayaa ku doodaya inuu isagu yahay xubinta xaqa u leh buuxinta jagadaas.

Labadan siyaasi Maxamed iyo Xuseen ayuu mid weliba gaarkiisa hore u sheegtay inuu yahay xubinta xaqa u leh buuxinta jagadaas. Guddiga doorashada ayaa maxkamadda sare ka codsaday inay kala saarto labadaas masuul kooda xaqa u leh jagadaas, laakiin maxkamadda sare ayaa guddiga doorashada amartay inay iyagu maxkamadda sare u soo gudbiyaan cidda xaqa u leh buuxinta jagadaas, maadaama oo ay yihiin hay’adda qaranka u qaabilsan arrimaha doorashada.

Guddiga doorashada ayaa markaas Isniintii toddobaadkan maxkamadda u gudbiyay go’aankan uu hadda dacweynayo Wasiir Abees.

Si kastaba ha ahaate maxkamadda sare ayaa la filayaa inay maanta ku dhawaaqdo mudaynta dacwadaas oo ah dacwad xaasaasi ah.


xigasho geeska