Hindiya: Wadanka Hinidiya Oo Xidhxidhay Dad La Xidhiidhinayo Inay Kufsi Iyo Nolasha Ku Gubeen Gabadh Yar

0
Sunday May 06, 2018 - 09:05:24 in by salman abdi
  • Visits: 655
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hindiya: Wadanka Hinidiya Oo Xidhxidhay Dad La Xidhiidhinayo Inay Kufsi Iyo Nolasha Ku Gubeen Gabadh Yar

    Booliiska gobolka Jharkhand ee bariga Hindiya ayaa waxa ay soo xidheen 14 qof oo lala xidhiidhiyay fal ah inay kufsi iyo dil kula kaceen gabadh yar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Booliiska gobolka Jharkhand ee bariga Hindiya ayaa waxa ay soo xidheen 14 qof oo lala xidhiidhiyay fal ah inay kufsi iyo dil kula kaceen gabadh yar.



Booliisku waxa ay sheegeen in gabadha la kufsaday oo 16 sano jir ah nololsha lagu gubay kaddib markii waalidkeed iyo odayaasha deegaanka ay ka cawdeen falalka kufsiga ah ee ka dhaca tuuladooda.

oday dhaqameedyada gobolkaasi ayaa waxa ay amar ku bixiyeen in dadka gaysta falalka faraxumeynta ah in ay sameeyaan boqol kac fariisi oo ciqaab ah iyo inay bixiyaan toddobo boqol iyo konton doolar oo ganaax ah.

Ciqaabtaan ayaa booliisku waxa ay ku sheegeen inay ka careysiisay ragga, kuwaasi oo jirdilay waalidka gabadha ka hor intii aysan kufsan.

Dhacdaaan ugu dambeysay ayaa kusoo beegmeysa xilli dalka Hindiya uu ka jirto dambiyo taxano ah oo la xiriira tacadiyada loo geysto dumarka.

Ku dhawaad afartan kun oo kiis oo kufsi ah ayaa laga diiwaan galiyay dalka Hindiya sanadkii 2016-kii.

Dhibaatada gabadha la kufsaday iyo ninka intaa kuma ekeen, wuxuu sheegay markii boliiska uu soo gaaray in waqtiga ay ku dhumiyeen boliiska muran ah, xerada boliiska ee la gaynayo oo aysan caawin gabadha oo uu dhaawac culus soo gaaray oo aad u dhiig baxaysay.

Dowladda Hindiya ayaa dhaleeceyn badan loo soo jeediyay inaysan waxba ka qabanayn ammaanka dumarka Hindiya. Hindiya ayaa kufsiga uu aad ugu badan yahay.