Hargeysa "Bulshada Somaliland Waxaan Ka Codsanayaa In Qof Kastaaba Uu Dhinaciisa Nabada Ka Sugo"Taliye Fadal

0
Monday May 07, 2018 - 09:16:34 in by salman abdi
  • Visits: 845
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa "Bulshada Somaliland Waxaan Ka Codsanayaa In Qof Kastaaba Uu Dhinaciisa Nabada Ka Sugo"Taliye Fadal

    Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye-Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa baaq uu diray dhammaanba bulshada Somaliland waxaanu ka codsay in meel looga soo wadda jeedo adkaynta nabad-galayada, maadaama maalmo kooban ka hadheen Xuska 18may.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye-Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa baaq uu diray dhammaanba bulshada Somaliland waxaanu ka codsay in meel looga soo wadda jeedo adkaynta nabad-galayada, maadaama maalmo kooban ka hadheen Xuska 18may.



Taliyaha guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland Sareeye-Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa Baaqiisan ku yidhi:

 "waxaan ka codsanayaa dhammaanba bulshada Somaliland sidii muwaadinimada ahayd ee horeba ay ciidankooda ula shaqayn jireen shacabku in ay sii libilaabaan oo ciidanka booliska ula shaqeeyaan”.

Taliyaha Ciidanka Booliska isagoo hadalkiisa sii wata waxaa uu yidhi: "waynu ognahay in 18-ka may maalmo yar uu ka hadhay bulshada somaliland waxaan ka codsanayaa in qof walbaa nabada dhankiisa ka sugo oo guri walba guriga ku xiga ka war hayo”

Taliye Cabdillaahi Fadal Iiman ayaa Baaqiisan ku ammaanay shacabka waddanka waxaanu sheegay in ilaalilnta nabada ay qayb laxaad-leh ka qaataan Ummadda Dalkani.

Geesta kale Taliyaha ayaa faray Dhammaanta Ciidanka booliska in ay sii laba-laabaan dadaalkooda ahaa adkaynta nabada iyo in ay si guud iyo si gaaraba ula shaqeeyaan bulshada.

Gabagabadii Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyada Somaliland Sareeye-Gaas Cabdillaahi Fadal Iimaan ayaa shacabka eebe uga baryay in sanadka sanadkiisa bash bash iyo barwaaqo ku gaadhsiiyo waxaanu si gaara hanbalyo ugu diray Ciidanka Booliska iyo Xaasaskooda dabaal-daga munaasibada xuska 18-ka may.