Hargeisa:-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ah Ee Somaliland+Arima Ay Ka Wada Hadleen.

0
Monday May 07, 2018 - 15:03:49 in by salman abdi
  • Visits: 497
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ah Ee Somaliland+Arima Ay Ka Wada Hadleen.

    Hargeisa:-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ah Ee Somaliland+Arima Ay Ka Wada Hadleen.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland oo Kulan La Qaatay Madaxda Ururrada Bulshada Rayidka ah Ee Somaliland+Arima Ay Ka Wada Hadleen.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna guddoomiyaha guddida heer qaran ee qaban-qaabada munaasibadda qaran ee 18-ka May, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa kulan ballaadhan la qaatay madaxda ururrada bulshada rayidka ah ee ka jira guud ahaanba Jamhuuriyadda Somaliland.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayuu madaxweyne-ku-xigeenku, hoggaanka ururrada kala duwan ee ururrada aan dawliga ahayn ugu sharraxay hawsha ballaadhan ee munaasibadda 18-ka May ee dalka kusoo foolka leh iyo doorka looga baahan yahay inay ka qaataan ururrada bulshada ee dalka ka jiraa.

Madaxda ururrada kala duwan ee bulshada rayidka ah ee ka jira Somaliland ee madasha ku sugnayd, ayaa dhinacooda sheegay inay ururro bulsho ahaan diyaar u yihiin sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen qaban-qaabada munaasibadda qaran ee 18-ka May, isla markaana bulshada kala duwan ee ay metelaan uga dhaadhicin lahaayeen inay si habsami leh uga qayb qaataan munaasibaddaas iyo weynaynteedaba.

Madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), ayaa gebogebadii kulanka si ballaadhan ugu mahadnaqay madaxda ururrada bulshada rayidka ah ee ka dhisan Jamhuuriyadda Somaliland doorka ay ku leeyihiin wacyigelinta bulshada reer Somaliland iyo midayntoodaba, waxana uu kula dardaarmay inay dedaalkooda halkaas kasii wadaan.

ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac.
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.


Image may contain: 2 people, people sitting

Image may contain: 1 person, sitting, suit and indoor

Image may contain: 3 people, people sitting, suit, beard and indoor

Image may contain: 3 people

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 1 person, sitting

Image may contain: 1 person, sitting, bedroom and indoorImage may contain: 9 people, people sitting and indoorImage may contain: 4 people, people sitting