Hargeisa:-Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dagaalku Ku Dhexmarayo Ceel Af-weyn.

0
Wednesday May 09, 2018 - 12:35:39 in by salman abdi
  • Visits: 608
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dagaalku Ku Dhexmarayo Ceel Af-weyn.

    Hargeisa:-Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dagaalku Ku Dhexmarayo Ceel Af-weyn.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-Madaxweynaha Somaliland Oo Baaq Nabadeed U Diray Beelaha Walaalaha Ah Ee Dagaalku Ku Dhexmarayo Ceel Af-weyn.

Mdaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo saaka ka qaybgalay Xuska Maalinta Bilaha Cas iyo Laanqayraha Cas ee 8-May oo maanta oo ay taariikhdu tahay 09.05.2018 lagu qabtay magaalada Hargeysa, ayaa waxa uu fariin baaqa u diray beelaha walaalaha ah ee dagaalku ku dhexmarayo deegaanka ceel afweynee gobolka Sanaag.


Waxaanu madaxweynuhu yidhi "waxa aan halkan baaq uga dirayaa beelaha ceel af-weyn ku dagaalamaya, dagaalkaas oo riiq dheeraaday oo saakana meelo badan ka bilaabmay, waxaan ugu baaqayaa dadkaa walaalaha ah ee islaynayaa inay dagaalka joojiyaan, dhiigga bilaa micnaha u daadanaya inay joojinayaan ayaan baaq dheer ugu dirayaa.



style="font-size:16px;">Hadaa wararku ina soo gaadhayaan inay dhawr meelood saaka dagaal ka bilaabeen ceel afweyn, waana dagaal soo noq-noqday, qaranka Somaliland qofkasta oo xilkas ahna waxa aan ugu baaqayaa sidii nabad looga dhalin lahaa innaynu u wada guntano, way inagu riiqdheeraatay way soo noq-noqotay, waa dadkeenii, waa masiibo inagu dheeraatay, ilaahay waxan ka rajaynayaa in aynu nabaddeeda degdeg u xidhno oo aynu dhammaanteen isugu tagnoā€¯.