War Deg Deg Ah Dagaal Mar Kale Laba Beelood Ku Dhex Maraya Degmada Ceel Afweyn Iyo Deegaano Hoos Yimaada

0
Wednesday May 09, 2018 - 12:35:39 in by salman abdi
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    War Deg Deg Ah Dagaal Mar Kale Laba Beelood Ku Dhex Maraya Degmada Ceel Afweyn Iyo Deegaano Hoos Yimaada

    War Deg Deg Ah Dagaal Mar Kale Laba Beelood Ku Dhex Maraya Degmada Ceel Afweyn Iyo Deegaano Hoos Yimaada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

War Deg Deg Ah Dagaal Mar Kale Laba Beelood Ku Dhex Maraya Degmada Ceel Afweyn Iyo Deegaano Hoos Yimaada

Dagaal xoogan ayaa mar kale ka qarxay deegaanka Dhidinka oo ka tirsan gobolka Sanaag.

Sida uu sheegayo weriyaha Hadhwanaagnews ee gobolka Sanaag Cabdiraxmaan Axmed Elsar dagaalka ayaa ka bilaabmay deegaanka dhidinka oo 25kma dhinaca galbeed ka xiga magaalada Ceel Afweyn, halka uu markii dambana soo gaadhay isla magaalada Ceel Afweyn.


Dagaalkan labada beelood dhex maraya ayey wararku sheegayaan inuu salka ku hayo hub ay labada beelood kala qabsadeen wakhtiyadii hore ee ay dagaalameen.Khasaaraha dagaalka ayaan wali xaqiijin balse wararka ayaa sheegaya inay jiraan dhimasho dhaawac ka dhashay dagaalkaasi.

Cutubyo ka tirsan ciidamada qaranka somaliland ayaa ka baxay magaalada Ceerigaabo, kuwaas




oo aan wali la xaqiijin inay gaadheen deegaanka uu dagaalku ka dhacay iyada oo ay hore u sii joogeen ciidamo kale, waxaanay wararku xaqiijjiyeen in dagaalka oo bilaabmay 9:00 subaxnimo uu ilaa hada ka socdo degmada Ceel Afweyn iyo qaar ka mid ah deegaanadii hoos yimaadaa.

 

Dagaalka labada beelood ayaa maalmahan laga dareemayey magaalada Ceerigaabo, iyada oo labada beeloodna ay isku hor fadhiyeen deeganka dhidinka, oo uu maanta dagaalku ka qarxay.