Ciraaq:-Shacabka reer Ciraaq oo maanta u dareeraya doorasho.

0
Saturday May 12, 2018 - 08:32:34 in by salman abdi
  • Visits: 455
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Ciraaq:-Shacabka reer Ciraaq oo maanta u dareeraya doorasho.

    Ciraaq:-Shacabka reer Ciraaq oo maanta u dareeraya doorasho.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciraaq:-Shacabka reer Ciraaq oo maanta u dareeraya doorasho.

Shacabka Ciraaq ayaa maanta galinka dambe u dareeraya codbixin markii ugu horeysay tan iyo markii dowladda Ciraaq ay ka guuleysatay ururka isku magacaabay dowladda Islaamka.

Ra'iisal-wasaaraha haatan talada haya Haider Al-Abadi ayay u badantahay in uu ku guuleysto doorashada balse waxaa loo maleynayaa in uu la kulmi doono loollan adag.

Doorashadaan ayaa ku soo beegmeysa xilli uu dalka Ciraaq ku jiro xaalad adag, iyadoo weli lala daalaa dhacayo dib u dhiska waddanka, ka dib afar sano oo dagaal ay kula jireen ururka Daacish.

Qof kasta oo ku guuleysta doorashadaan ayaa waxa kaloo laga doonayaa in uu mideeyo madhabta kala duwan ee ka jirta Ciraaq, kuwaasi oo iyaguna caqabad ku ah nabadda waddanka.

Ra'iisal-wasaare al- Abadi ayaa lagu aamaanay guusha uu ka gaaray dagaalkii uu kula jiray kooxaha Islaamiyiinta ah iyo amniga oo aad u soo wanaagsanaaday dhammaan waddanka


Balse dad badan oo reer Ciraaq ah ayaa si aad u dhaliilsan musuquq-maasuqa ka dhex jira dowaldda iyo dhaqaalaha waddanka oo aad u hooseeya.

Doorashadaan ayaa sidoo kale ku soo beegmaysa maalmo uun ka dib markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiska nuclear-ka ee Iiraan.

qaar ka mid dadka reer Ciraaq ayaa ka cabsi qaba in mar labaad uu dalkooda saameyn ku yeesho hardanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Mareykanka iyo Iiraan.