Washington:-Maraykanka oo baaraya weerarkii Shabeellaha hoose.

0
Saturday May 12, 2018 - 08:32:34 in by salman abdi
  • Visits: 440
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Washington:-Maraykanka oo baaraya weerarkii Shabeellaha hoose.

    Washington:-Maraykanka oo baaraya weerarkii Shabeellaha hoose.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Washington:-Maraykanka oo baaraya weerarkii Shabeellaha hoose.

Ciidamada Militariga Maraykanka ayaa sheegaya in ay si dhab ah u qaadanayaan wararka sheegaya in dad rayid ah lagu laayey weerar uu Maraykanku taageerayey oo ka dhacay Soomaaliya kaas oo ka dhan ahaa mintidiinta Alshabaab.

Maraykanka ayaa si dhow ula shaqaynayey ciidamada Militariga Soomaaliya asagoo gacan ka siinaya dagaalka ka dhanka ah kooxaha jihaad doonka ah.

Taliska ciidamada Maraykanka ee Africa ayaa war qoraal ah oo ay soo saareen ku sheegay in ay baaritaan ku samaynayaan xog kasta oo la xiriirta dhacdadaan, oo ay kujiraan dhinacyada ay arrintani khusayso.

Odoyaasha dhaqanka ee degmada Afgooye, oo ku dhow Magaalo Madaxda Muqdisho, ayaa sheegay in la dilay shan qof oo beeraleey ah intii uu socday hawlgalka oo dhacay habeenimadii arbacada.

Saraakiisha deegaanka ayaa sheegay in dagaallamayaal ka tirsan mintidiinta Al Shabaab ay mararka qaar beertaas u isticmaali jireen saldhig ahaan.