Muqdisho:-Madaxweyne Farmaajo Oo Markii Labaad Safar Ku Tagaya Wadanka Qatar.

0
Sunday May 13, 2018 - 12:33:34 in by salman abdi
  • Visits: 407
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Muqdisho:-Madaxweyne Farmaajo Oo Markii Labaad Safar Ku Tagaya Wadanka Qatar.

    Muqdisho:-Madaxweyne Farmaajo Oo Markii Labaad Safar Ku Tagaya Wadanka Qatar.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Muqdisho:-Madaxweyne Farmaajo Oo Markii Labaad Safar Ku Tagaya Wadanka Qatar.

Madaxweynaha dawlada federaalka ah ee soomaaliya Maxamed Cabdilaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu maanta safar ugu baxo wadanka Qatar.

Safarka madaxweyne Farmaajo ayaa noqonaya kii labaad ee uu ku tago dalka Qatar tan iyo wakhtigii uu bilaabmay khilaafka wadamada khaliijka Carabtu.Dawlada soomaaliya ayaan wali soo bandhigin ujeedada safarka uu madaxweynuhu ku tagayo wadanka Qatar, balse dawlada Qatar ayaa sheegay in madaxweynaha soomaaliya uu la kulmi doono masuuliyiinta ugu saraysa dalka Qatar, kuwaas oo ay ka wada hadli doonaan xidhiidhka labada dal iyo horu marinta iskaashiga ka dhaxeeya.

Madaxweyne Farmaajo iyo dawlada ayaa la safan dalka Qatar, halka qaar ka mid ah


maamulada soomaaliya ay la safan yihiin isbahaysiga uu sucuudigu hogaaminayo ee ka xayiraadaha saaray xukuumada Qadar.

 

Maamulada Jubaland iyo Puntland ayaa dawlada dhexe ee soomaaliya si cad ugaga soo horjeeda go’aanka ay kula safatay dawlada Qatar.