Berbera:-Patroolkii Haamaha Laga Dhaamin Jiray Wuu Istaagay,Lkn Jabuuti Ayaa Laga Keenay waana Qaali, Hadii aad Heshaba.
Xaalada Shidaal la,aanta ah oo Kor Usii Kacday Magaalada Berbera Kadib Markii Maalmihii u danbeeyay uu Istaagay Shidaalkii Xumaa ee haamaha Lagasoo Dhaamin Jiray,
Kaalmaha Shidaalka ayaa Intooda badan Haawanayaan oo wax Shidaala ma hayaan,[ Patrol] marka laga reebo labo ama sadex kaalmood oo booyado shidaala ,patrol kazoo dhaansaday dalka jabuuti, inkastoo shidaalakaasi Qaali dhaafay oo halkii litir lagu Iibinayo hal doolar in ka badan,
Hadaba Illaa Iminka ma cada waxa u Qorshaysan Masuuliyiinta Maamula haamaha Shidaalka berbera Maadaama aay Iyagu gacanta Ku hayaan Ishii Shidaalka ee qarankani lahaa, iyoSida Aay ka Yeelayaan Shidaalkii Xumaa oo wali Ku Jira Kaydka haamaha,
Wasaarada ganacsiga Somaliland Ayaa Iyaduna ka gaabisay Shaqadeedii waayo Xaalada Shidaal la,aanta lama
Socotaba , Kumanaan Qof Ayaa Ku Shaqaysta Gaadiidka yar yar oo Masaariifta ka Hella , Hadii aay Shidaal waayaana waxaa Soo Food saari doonta shaqo la,aan Mushkilat Abuurta,
Xaalada Shidal la,aantu Halkii Ugu Saraysay ayaay maraysaa waxaanay dib Inoo xasuusinaysaa sanadaihii Dhowr iyo sagaashankii ee Shidaalka laga keeni Jiray jabuuti iyo Ethiopia, taas oo manta Sumcad ahaan qarankan Magac Xumo ku ah in Maanta Kaydkii haamaha shidaalku Xidhan yihiin oo Aan wax shidaala laga Dhaaminayn,
Dhanka kale Mana Jirto wax rajo Dhow ah oo Oo Masuuliyiinta Shirkadaha haysta Kaydka hamuhu u Sheegeen Shacabka in aay Keenayan shidaal nadiifa Maalamaha Soo Socda,
Berbera:-Patroolkii Haamaha Laga Dhaamin Jiray Wuu Istaagay,Lkn Jabuuti Ayaa Laga Keenay waana Qaali, Hadii aad Heshaba.
Berbera:-Patroolkii Haamaha Laga Dhaamin Jiray Wuu Istaagay,Lkn Jabuuti Ayaa Laga Keenay waana Qaali, Hadii aad Heshaba.