Malaysia:-Dawlada Malaysia oo siidaysay Anwar Ibrahim

0
Wednesday May 16, 2018 - 09:10:07 in by salman abdi
  • Visits: 525
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Malaysia:-Dawlada Malaysia oo siidaysay Anwar Ibrahim

    Malaysia:-Dawlada Malaysia oo siidaysay Anwar Ibrahim

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Malaysia:-Dawlada Malaysia oo siidaysay Anwar Ibrahim

Anwar Ibrahim oo ah siyaasi ayaa xabsiga laga sii daayay, arrintaas oo wadada u xaaraysa in uu ku soo laabto siyaasadda Malaysia.

Mar ayaa loo arkayay hogaamiyaha mustaqbalka, waxaana loo xiray wax isdabomarin iyo dambiyo kale, ka dib markii ay maamulka is qabteen.

Ra'iisulwasaare Mahathir Maxamed ayaa cafiska u fidiyay Anwar subaxnimadii Arbacada.

Mahathir ayaa ballaanqaaday in uu labo sano gudahood xilka uga dagi doono si uu waddada ugu xaaro in Anwar uu noqdo ra'iisulwasaare.

Siyaasigan ayaa markii labaad la xiray saddex sano ka hor isaga oo ku tilmaamay in lagu oogay dacwad gacan ku rimis ah.

Afar sano ayuu hoggaaminay dhaqdhaqaaqa mucaaradka Malaysia, kaas oo hadda taladii kala wareegay xisbigii talada hayay, waana markii koobaad ee arrintaasi dhacdo taariikhda dalkaas.

Guushii doorashada ee sida layaabka leh u dhacday toddobaadkii hore waxaa dabo socotay heshiis dhex maray Anwar iyo Mahathir, kaas oo shaqada ka eryay xirayna labaatan sano ka hor markii koobaad ee uu ra'iisulwasaare noqdo.

Anwar ayaa isaga oo xor ah ka baxay isbitaal ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Kuala Lumpur halkaas oo lagu dabiibayay.