Boocame:- Waftigii Ugu Cuslaa Ee Dawladda Somaliland Oo Gaadhay Furinta Hore Ee Dagaalka Iyo Ciidamada Qaranka Oo Soo Dhawoyay.

0
Wednesday May 16, 2018 - 16:14:15 in by salman abdi
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Boocame:- Waftigii Ugu Cuslaa Ee Dawladda Somaliland Oo Gaadhay Furinta Hore Ee Dagaalka Iyo Ciidamada Qaranka Oo Soo Dhawoyay.

    Boocame:- Waftigii Ugu Cuslaa Ee Dawladda Somaliland Oo Gaadhay Furinta Hore Ee Dagaalka Iyo Ciidamada Qaranka Oo Soo Dhawoyay.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Boocame:- Waftigii Ugu Cuslaa Ee Dawladda Somaliland Oo Gaadhay Furinta Hore Ee Dagaalka Iyo Ciidamada Qaranka Oo Soo Dhawoyay. Wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha golaha wakillada Somaliland Baashe Maxamed Faarax ayaa ku sugan dagmada Tuke-raq oo shalay dagaal adagi ku dhex maray ciidammada qaranka Somaliland iyo maleeshiyaad kasoo jeeda Garoowe.

Waftiga guddoomiye Baashe ayaa waxa kamida wasiirka difaaca Somaliland Ciise Yuusuf, wasiirka horumarinta biyaha Saleebaan Cali Koore,maamulka gobolka Sool,kan degmada Laascaanood iyo 12 xildhibaan oo kamida labada aqal ee uu ka koobanyahay barlamaanka Somaliland. Waftiga ayaa dhiiri galin badan siiyey ciidammada qaranka Somaliland oo guulo taariikhi ah kasoo hooyay dagaalkii ay shaleen la galeen ciidammo laga soo uruuriyey badi deegaanada Soomaaliya. Ugu dambayna taliyaha ciidammada militariga Somaliland Nuux Ismaaciil Taani oo isagu maalmahan ba ku sugnaa jiida hore ee dagaalka ayaa waftiga xog faah-faahsan ka siiyey dagaaladii u dambeeyey isagoo ku ammaanay ciidammada qaranka difaaca ay ugu jiran dalkooda.