War Deg Deg Ah Hoobiyayaal ku dhacay caawa qeybo kala duwan magaalada Muqdisho.
War Deg Deg Ah Hoobiyayaal ku dhacay caawa qeybo kala duwan magaalada Muqdisho.
Dhawaqa Qaraxyo xoogan loo maleynayo in loo adeegsanayo Qoriga hoobiyaha ayaa caawa laga maqlayaa qeybo kala duwan oo magaalada Muqdisho ah.
Dad kala duwan oo ku dhaqan degmooyinka, Xamar-Weyne, War-dhiigley, Hodan iyo Howl-wadaag ayaa Warbaahinta u sheegay in qeybo ka mid ah degmooyinka ku soo dhaceen madaafiic aan la garaneynin halka laga soo tuuray.
Sidoo kale waxaa jira weeraro Bambaanno oo lagu qaaday fariimo ay ciidamada dowladda ku leeyihiin qaar ka mid ah degmooyinka gobolka Banaadir gaar ahaan degmada Howl-wadaag.
Qaraxyadan ayaa imanaya iyadoo loo diyaar-garoobayo habeenkii koowaad ee bisha Ramadaan, dhinaca kalana dowladdu sare u qaaday Amniga guud ahaan gobolka Banaadir.
War Deg Deg Ah Hoobiyayaal ku dhacay caawa qeybo kala duwan magaalada Muqdisho.
War Deg Deg Ah Hoobiyayaal ku dhacay caawa qeybo kala duwan magaalada Muqdisho.