Gudaha:-Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan Deg Dega Isugu Yeedhay Goolayaasha Qaranka , Asxbta Qaranka Iyo Madaxwaynayashii Hore Ee Somaliland

0
Thursday May 17, 2018 - 08:14:07 in by salman abdi
  • Visits: 429
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan Deg Dega Isugu Yeedhay Goolayaasha Qaranka , Asxbta Qaranka Iyo Madaxwaynayashii Hore Ee Somaliland

    Gudaha:-Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan Deg Dega Isugu Yeedhay Goolayaasha Qaranka , Asxbta Qaranka Iyo Madaxwaynayashii Hore Ee Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Madaxwaynaha Somaliland Oo Kulan Deg Dega Isugu Yeedhay Goolayaasha Qaranka , Asxbta Qaranka Iyo Madaxwaynayashii Hore Ee Somaliland

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu caawa oo ay bishu tahay 16 May 2018 iskugu yeedhay shir-weyne ka kooban Madaxda maanta talada haysa iyo madaxdii hore dalka ka soo talin jirtay, Saddexda Xisbi Qaran, Shir-guddoonka Labada Gole ee Baarlamaanka JSL iyo Talo-qabeenka dalka, oo ay ka mid ahaayeen:

Image may contain: 17 people, people smiling, people standing, wedding and indoor1.Madaxweyne Ku-xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici)

 

2.Madaxweynihii hore ee JSL, mudane Daahir Rayaale Kaahin

3.Gudoomiyaha Maxkamada Sare, Garyaqaan Aadan Xaaji Cali Axmed

4.Guddoomiyaha golaha guurtida, mudane Saleebaan Maxamuud Aadan

5.Guddoomiye Ku-xigeen kowaad ee golaha wakiilada, mudane Axmed/yaasiin Sh. Cali Ayaanle

6.Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee JSL, Mudane, Xasan Ciise Jaamac

7.Madaxweyne Ku-xigeenkii horeee JSL, Mudane, Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax

 

8.Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee JSL, MudaneAxmed Yuusuf Yaasiin

9.Prof. Cali Khaliif Galaydh

10.Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe

11.Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Xisbiga KULMIYE, mudane, Axmed Cabdi Dheere

12.Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga Waddani, ahna ku simaha gudoomiyaha xisbiga Mudane Cabdiqaadir Xuseen Jirde

13.Guddoomiye Ku-xigeenka xisbiga waddani, mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed

14.Wasiirka Arrimaha Dibeda, Dr Sacad Cali Shire

15.Siyaasi Maxamed Carraale Duur

16.Mudane Maxamed CabdillahiUurcade

 

Ujeedada kulankuna waxa uu ahaa in Qaran ahaan laga arrinsado xaaladda dalka ka taagan iyo in talo-qaran oo midaysan laga yeesho dhammaan duruufaha dalka maanta ku gadaaman. Waxaana shirkaasi ka soo baxay oo la isla qaatay lixdan qodon:

1.In colaada deegaanka Ceel-afweyn loo soo afjaro sida ugu dhakhsaha badan, isla markaana Qaranka oo dhan ka gurmado arrintaa si wada jir ah.

 

2.In xannafta iyo kala fogaanshaha siyaasiga ah ee ka dhashay doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay la iska bogsiiyaan Xukuumadda iyo Axsaabta Qaranku.

3.In colaada iyo dagaaladda ay ka huriyeen deegaanka Tukaraq Maamulka Puntland iyo Dawladda Soomaaliya meel looga soo wada jeesto, oo si heer Qaran ah loo waajaho dawlad shicib iyo axsaab qaran ba.

 

4.In kor loo qaado xawliga dhaqan-gelinta mashaariicda horumarineed ee loogu talo galay deegaannada gobollada barriga.

 

 

5.In beesha Caalamku ogaato in gar-darro qaawan iyo dagaalba ay dawladda Soomaaliya ka bilowday, kana hurisay deegaanno hoos yimaada Tukaraq oo ka tirsan dhulka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

6.In beesha Caalamku ogaato in Jamhuuriyadda Somaliland ay mar kasta u taagan tahay nabad iyo daris wanaag ka hirgala guud ahaan gobolka Geeska Africa iyo gaar ahaan xuduudaha u dhexeeya Somaliland iyo Soomaaliya, balse lagu war-gelinayo in Jamhuuriyadda Somaliland iyo shicibkeeduba diyaar u yihiin in ay iska difaacaan gar-daro iyo dagaal kasta oo lagu soo faro-galiyo xuduudaha lama-taab-taanka ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ka dhaxashay Isticmaarkii Boqortooyadda Ingiriiska, Axdi Qarameedka Midowga Afrikana waajibinayo.

 

Waxaanu kulankaasi ku soo gebegaboobay jawi wanaagsan iyo isfahan qarannimo oo ku tiirsan wada jirka danaha qaranka Somaliland iyo danta shacabkiisa in gacanta la isu qabsado iyadoo loo dhan yahay.

 

Image may contain: one or more people, people sitting and indoorImage may contain: 6 people, people smiling, people standing and weddingImage may contain: 2 people, people smiling, people standingImage may contain: 5 people, people sitting and tableImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 3 people, people sittingImage may contain: 3 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people sitting, table and indoorImage may contain: 3 people, people standing and indoor
Image may contain: 2 people, people sitting and indoorImage may contain: 2 people, people smiling, people sitting, table and indoorImage may contain: 1 person, smiling, standing

 

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac

Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.