Somaliland:-Waa Sidee Xaaladda Berbera Oo Roobab Waawayni Ka Da'een Iyo Badda Oo Kacsan

0
Saturday May 19, 2018 - 00:39:24 in by salman abdi
  • Visits: 501
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland:-Waa Sidee Xaaladda Berbera Oo Roobab Waawayni Ka Da'een Iyo Badda Oo Kacsan

    Tiraba sadex ilaa afar Jeer oo kala Duwan Ayuu Roobku ka da,ay Berbera

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tiraba sadex ilaa afar Jeer oo kala Duwan Ayuu Roobku ka da,ay Berbera


Badhasaabka Gobolka Saaxil Eng Axmed Cismaan xasan oo Khadka Telofanka Ugu waramay HWN Ayaa Sheegay in Aan Illaa Imnka Wax Khasaare ah Lasoo Sheegin Guud Ahaanba Gobolka Saaxil Xeebtiisa iyo Gubankiisaaba,

Waxaanu Intaa ku daray in Aay sameeyeen Maamul ahaan wacyi galin Ku saabsan khatarta roobabkani keeni karaan ,waxaanu Yidhi

waxanu dadka Uga Dignay in Aay ka Fogaadaan Meelaha Biyo mareenada ah, iyo bada dhinaceeda ama xeebta bada u dhow dadka hoyga ka dhigta, dabacana wuxuu intaa ku daray badhasaabka gobolka saaxil eng axmed timacade in dadka degan guryaha jilicsan ee gaboobay aay ka taxa diraan dhismayaashaa qadiimiga ah,

 

Badhasaaabka Gobolka Saaxil Eng Axmed Timacade waxa kaloo intaa ku daray in aay aad uga welwel sanyihiin daad debada uga yimada magaalada berbera hadii roobabku sii xoogaystaan

,

Hadaba Magaalada Berbera waxaa jira xaafado Qadiimi ah [Daaroole iyo Barwaaqo] oo dhismayaashoodu qarniyo jireen, dadka deganina aad ayaay uga baqaan roobabka waawayn ,waxaana dhacda in aay u guuraan xaafadaha taaga ku yaal sida burco sheikh oo kale inta roobabku da,ayaan,

Roobkan ka da,ay berbera iyo xeebta saaxilba ma jirin wax dabaylo xoogana oo roobku watay, , daruuruhuna biyo wanaagsan ayaay shubeen oo sadexdii sano ee u danbeeyay aan la arag roob biyahaa intaa leeg shuba,