Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Afrika (ALF), kaasoo ah madal ay ku jiraan qaar ka mid ah Madaxweyanayashii soo maray dalal ka tirsan Qaaradda Afrika.

Shirkan oo ah kii labaad oo uu ka qeybo galo Madaxweynihii hore Xasan Sheekh ayaa shalay ka dhacay magaalada Daara Salaam ee dalka Tanzania

"Wuxuu ahaa shir daba socday kii sannadkii hore lagu qabtay Johannesburg – South Africa. ka qeybgalayaashu waxay wadaageen waaya aragnimada Africa ee dhinacyada Amniga iyo Nabadda iyo doorka Caalamiga ah ee ay Afrika ka qaadato nabadda adduunka” ayuu yiri Xasan Sheekh qoraal uu bartiisa gaarka ah ee Facebook la soo geliyay.

Waxaa uu sheegay inuu la wadaagay waaya aragnimadiisa Soomaaliya ee arrimaha horumarinta amniga iyo nabadda iyo dhismaha hay’adaha ka shaqeeyo arrimahaas.

 

 

Shirka ayaa lagu soo bandhigay waaya aragnimada dalka Congo iyo guud ahaan waddamada ku hareereysan harooyinka waaweyn, iyadoo la soo jeediyay taloooyin wax ku ool ah oo la xiriira Amniga iyo Nabadda, waxaana Talooyinkaas loo gudbiyay ururka midowga Afrika.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ahna Xildhibaan ka tirsan Golaha Shacabka ayaa tan iyo markii looga guuleystay doorashadii 8 February 2017, waxaa uu laga waayay saaxadda siyaasadda, isagoo markii uu xilka wareejiyay dalka isaga tagay, isla markaana degay dalalka Turkiga iyo Tanzania , halkaasoo ay ku nool yihiin qoysaskiisa.