Xeebaha:-Roobab Dabaylo Wata Oo Berbera Ku Dhufta Iyo Khasaare Dhimasho Ah Ka Dashay

0
Saturday May 19, 2018 - 12:46:25 in by salman abdi
  • Visits: 474
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xeebaha:-Roobab Dabaylo Wata Oo Berbera Ku Dhufta Iyo Khasaare Dhimasho Ah Ka Dashay

    Roobab Dabayla waawayn Wata oo xalay ilaa saaka ka dayay magaalada Berbera ee Xarunta gobolka saaxil ayaa sababay dhimashadda hal qof oo ku dumay Gurigii uu dagaan waxaana uu barakiciyay 950 Qof oo guryahoodii ka cararay isla markaasina hadda ku suga

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Roobab Dabayla waawayn Wata oo xalay ilaa saaka ka dayay magaalada Berbera ee Xarunta gobolka saaxil ayaa sababay dhimashadda hal qof oo ku dumay Gurigii uu dagaan waxaana uu barakiciyay 950 Qof oo guryahoodii ka cararay isla markaasina hadda ku sugan dugsiyadda waxbarashadda ee gobolka.


Guddoomiyha Gobolka Saaxil Axmed Cismaan Xasan ayaa sheegay in ilaa hadda ay ku hawlan yihiin samato bixinta dadka shacabka ah ee roobabku guryahooda waxyeeladda gaadhsiiyeen oo ay ilaa hadda gurmad adag ugu jiraan.

Roobab laxaad leh oo daadad ku soo rogay dooxyada ayaa jiidahaasi ka da'aya, waxaana hadda go'an wadada isku xidha Berbera iyo Bullaxaar.

Khasaare kale lama soo sheegin ilaa hadda. Madaxa qaybta saadaasha hawada ee wasaaradda beeraha Somaliland Cabdiqani Yuusuf Cabdi oo Warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in roobabkan dabaylaha wataa ay maanta gelinka danbe ku wajahanyihiin deegaanada xeebta ee lughaya ilaa Saylac.

 

Warka Oo Muuqaal Ah batalaale Goor DHaw Kala Soco