War Deg Deg Ah Laba Diyaaradood Oo Helicopter Ah Oo Iminka Soo Fadhiistey Garoonka Diyaaraha Hargeysa+Ujeedka Safarkooda.
War Deg Deg Ah Laba Diyaaradood Oo Helicopter Ah Oo Iminka Soo Fadhiistey Garoonka Diyaaraha Hargeysa+Ujeedka Safarkooda. Waxaa goor dhaweyd garoonka diyaaradaha ee
magaalada Hargeysa soo fadhiistey laba diyaaradood oo ah nooca qumaatiga u kaca isla markaana ay leedahay dawlada Imaaraadka carabtu .
Labadan diyaaradood ayaa waxaa ay sidaan raashin iyo cunto fudud oo garaar ah isla markaana loogu talo galay in la gaadhsiiyo dadkii ay ku dhufteen roobabkii duufaanada watey ee ka da,ay xeebaha galbeedka Somaliland .
Wafti uu hogaaminaayo madaxweyne ku xigeena Somaliland ayaa raaci doona labadan diyaaradood oo galabta ka kaci doona madaarka isla markaana dadka ku dhaqan xeebaha galbeedka Somaliland macaawinadaas gaadhsiin doona
Sidoo kale wararka soo gaadhaya shabakada Ilaysnews.com waxaa ay sheegayaan in dawlada Imaaraadku ay Markab Gargaar ah u soo direyso Somaliland .