War Deg Deg Ah Dagaal Markale Ka Qarxay Tuka-raq Oo U Dhaxeeyay Ciidanka Somaliland Iyo Maamulka Putland.

ciidamada Puntland ee ku sugan deegaankaasi ayaa rasaas teelteel ah u soo riday dhinaca Ciidamada Somaliland, hasayeeshee somaliland ayaan iyadu ka jawaabin. si kastaba ha ahaatee Dagaalkan saaka ayaa ah mid aan ilaa iminka xogtiisa oo dhab ah la heli karin.
Saaka aroortii Hore ayuu mar kale Dagaal u dhaxeeya Ciidamada Somaliland iyo Kuwa Puntland oo waayadanba isku hor fadhiyay degmada Tukeraq uu dib uga qarxay deegaankaasi.
Dagaalkan oo ay dadka deegaanku sheegayaan in uu yahay Mid aad u culus oo ay labada dhinac sku waydaarsanayaan Hubka Noocyadiisa kala duwan.
taliyaha guud ee Ciidamada Qaranka Somaliland Sareeyee Gaas Nuux Ismaaciil Taani ayaa ku eedeeyay Puntland in ay weerarka saaka soo qaaday, waxaanu sidaasi ku sheegay mar uu u waramayay laanta afka soomaaliga Ee Bbbcda, dhinaca kale Puntland ayaan iyada wax war ah laga haynin.
Labada dhinac ayaa waayadanba Hanjabaado hawadda isu marinayay, shalay gelinkii horena