Garoowe:-Khilaaf Adag Oo Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha Puntland Iyo Ku Xigeenkiisa+Arrimaha Ay Isku Hayaan.

0
Thursday May 24, 2018 - 08:44:30 in by salman abdi
  • Visits: 387
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Garoowe:-Khilaaf Adag Oo Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha Puntland Iyo Ku Xigeenkiisa+Arrimaha Ay Isku Hayaan.

    Garoowe:-Khilaaf Adag Oo Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha Puntland Iyo Ku Xigeenkiisa+Arrimaha Ay Isku Hayaan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Garoowe:-Khilaaf Adag Oo Soo Kala Dhex Galay Madaxweynaha Puntland Iyo Ku Xigeenkiisa+Arrimaha Ay Isku Hayaan.

Khilaaf adag ayaa u dhexeeya madaxweynaha iyomadaxweyne-xigeenka maamul goboleedka Soomaaliya ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Cabdixakiim Cabdillaahi Camey, xilli ay Puntland ku hanjabayso inay weerar ku soo qaadayso Somaliland.

Sida ay sheegeen warar xogogaala oo uu Geeska Afrika helay, khilaafka labadan masuul oo muddo soo jiitamayay ayaa u muuqda inuu imika banaanka u soo baxay, ka dib markii Mr. Camey uu ka soo xaadiri waayay shirarka golaha wasiirada iyo xafiiskiisa madaxtooyada. Waxa la sheegay in Mr. Gaas iyo ku xigeenkiisu ay isku seegeen mawqifka Puntland ee Imaaraadka Carabta. Madaxweyne-xigeenka ayaa la sheegay inuu la dhacsanyahay fikirka siyaasadeed ee dawladda Soomaaliya ee ay kaga soo horjeedo Imaaraadka Carabta, halka uu Gaasna si cad u taageersanyahay siyaasadda Imaaraadka Carabta oo uu dhawaan booqasho ku tagay. Gaas ayaa ku eedeeyay Mr. Camey inuu hoos ahaan ula shaqeeyo madaxweyne Farmaajo. Laakiin Camey ayaa isna Gaas ku eedaynaya inuu lunsaday dhaqaale badan oo Puntland loogu deeqay.


 

 

Waxa jira xubno ka tirsan golaha wasiirada oo iyaguna la kala safan madaxweynaha iyo madaxweyne-xigeenka, kuwaas oo dhawr goor ka horyimid go’aamo ay soo saareen madaxweynaha ama madaxweyne-xigeenku, waxaanu khilaafkoodu curyaamiyay sida la sheegay hawlihii shaqo ee dawlad goboleedka Puntland oo marka horeba la daalaa dhacaysa dhaqaale xumo iyo nabadgelyo darro.


Waxa kale oo khilaafkooda isna dhawaanahan banaanka u soo saaray dagaalkii ay ciidamada Puntland ku soo qaadeen Somaliland oo uu khasaare culusi ka soo gaadhay Puntland. Khasaaraha ayuu Mr. Gaas ku canaantay ku xigeenkiisa maadaama marka uu dagaalku dhacay uu Mr. Gaas ku maqnaa shirka maamul goboleedyada Soomaaliya oo Baydhabo ka socday, iyadoo uu Mr. Cameyna dhawr goor kulamo la soo yeeshay ciidamada Puntland ee soo weeraray Somaliland.


Deegaanada Puntland oo u diyaar garoobaya doorasho madaxweyne oo ay dooranayaan ergo la soo xulay, ayaa waxa ay dadweynaha reer Puntland aad uga soo horjeedaan madaxweynaha wakhtigan iyo ku xigeenkiisa oo lagu eedeeyo inaanay waxba ka fulin balan qaadyadii ay sameeyeen wakhtigii ololaha. Laakiin dhibaatada jirta ayaa ah inaanay madaxdooda dooranayn dadka Puntland ee ay dooranayaan odayaal laga soo xulay beelaha dhexdooda.


Source:- Geeska