Caalamka:-Trump oo baajiyey ballan uu la lahaa Kim Jong-un

0
Friday May 25, 2018 - 09:41:34 in by salman abdi
  • Visits: 496
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Trump oo baajiyey ballan uu la lahaa Kim Jong-un

    Caalamka:-Trump oo baajiyey ballan uu la lahaa Kim Jong-un

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Trump oo baajiyey ballan uu la lahaa Kim Jong-un

Madaxweynaha Maraykanka, Donald Trump, ayaa dhankiisa ka badhi furay kulan madaxeedkii qorshaysnaa ee la filayey inuu bisha dambe la yeesho hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi, Kim Jong-un.

Warqad uu u diray Kim ayuu Trump ku sheegay in aanay haboonayn inuu kulankaa la yeesho, waxaanu ku sababeeyey waxa uu ku tilmaamay cadhada xoogga leh iyo colaadda muuqata ee uu hogaamiyaha Kuuriyada Woqooyi ku muujiyey hadalladii dhawaan ka soo soo baxay.

Waxa kale oo uu sheegay in ay suurto gal tahay in kulankoodaasi qabsoomi laakiin waxa uu uga digay Pyongyan waxa uu ku sheegay falalka "doqoniimada" ah.

Go'aanka Trump waxa uu soo baxay saacado uun ka dib markii Kuuriyada Woqooyi sheegtay in ay dumisay xeradii ay ku tijaabin jirtay nukliyeerka, arrintaas oo loo arkay in ay ahayd farriin heshiis oo ay dhabbaha ugu xaadhaysay shirmadaxeedkaa haantan la baajiyey ee ka dhici lahaa Singapore.


Maamulka Trump waxa uu ku nuuxnuuxsanayey maalmihii la soo dhaafay in Kuuriyada Woqooyi aanay si waafiya ugu diyaar garoobayn shir madaxeedkaas taas oo qudheedu abuuraysay shaki ah in kulanku hadiiba uu dhaco ay waxa togani ka soo bixi doonaan.

Maalmihii u dambeeyay labada dhinacba waxay ka digayeen in laga yaabo in dib loo dhigo amaba la baajiyo kulanka ay Trump iyo Kim u ballansanaayeen 12-ka Juun.

Pyongyang ayaa waxa kale oo ay sheegtay in ay ka fiirsan doonto kulankaa haddii uu Maraykanku ku adkaysto in Kuuriyada Woqooyi oo keli ahi tanaasusho oo ay tirtirto hubkeeda nukliyeerka ah.