Caalamka:-Amiirka UK oo booqasho ku tagaya Bariga Dhexe.

0
Friday May 25, 2018 - 09:41:34 in by salman abdi
  • Visits: 400
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Caalamka:-Amiirka UK oo booqasho ku tagaya Bariga Dhexe.

    Caalamka:-Amiirka UK oo booqasho ku tagaya Bariga Dhexe.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Caalamka:-Amiirka UK oo booqasho ku tagaya Bariga Dhexe.

Amiirka leh dhaxalka boqortooyada Ingiriiska ayaa booqasho ku tagi doona Israa'iil, dhulka Falastiiniyiinta iyo Jordan xagaaga.

Booqashadan oo shan maalmood ah ayaa ka billaaban doonta magaalada Camaan ee dalka Urdun 24ka bisha Juunyo kuna soo dhammaan doonta magaalada Qudus ee barakaysan.

Wuxuu booqan doonaa magaalooyinka Jeraj ee dalka Urdun, Tel Aviv oo Israa'iil ah iyo magaalada Ramallah ee Falastiiniyiinta.

Waa markii u horraysay ee booqasho rasmi ah uu ku tago Israa'iil ama dhulka Falastiiniyiinta qof ka tirsan qoyska boqortooyada Ingiriiska isaga oo matalaya dawladda Britain.

Ra'iisulwasaaraha Israa'iil Benjamin Netanyahu ayaa sheegay in ay noqon doonto "booqasho taariikhi ah" iyo middii koobaad ee nooceeda ah.

Wuxuu sheegay in amiirka lagu soo dhawayn doono "kalgacal wayn".

Amiirka ayaa horay u tagay magaalada Qudus balse ma aysan ahayn booqasho rasmi ah.

Sannadkii 20016kii ayuu sidoo kale tagay magaalada Tel Aviv isaga oo ka qaybgalay aaskii madaxweynihii hore ee Israa'iil Shimon Peres.

Booqashada amiirka ayaa ku soo aadaysa iyadoo ay aad u kacsan tahay xaaladda gobolka.

Bishii May uu Maraykanku Qudus ka furtay safaaraddiisa, inkastoo caalamku aqoonsanayn in Qudus ay Israa'iil leedahay.

Isla maalintaasna 60 Falastiiniyiin ah ayay dileen laamaha ammaanka ee Israa'iil intii ay socdeen mudaaharaadyo ay intooda badan soo abaabuleen Xamaas oo jihaaddoon ah