Gudaha:-Faah Faahin Dheerada Xaalada Degmada Tuka-raq Oo Maalintii Shalay Dagaal Ka DHacay U DHaxeeyay Somaliland Maamulka Putland.

0
Friday May 25, 2018 - 10:18:48 in by salman abdi
  • Visits: 490
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Gudaha:-Faah Faahin Dheerada Xaalada Degmada Tuka-raq Oo Maalintii Shalay Dagaal Ka DHacay U DHaxeeyay Somaliland Maamulka Putland.

    Gudaha:-Faah Faahin Dheerada Xaalada Degmada Tuka-raq Oo Maalintii Shalay Dagaal Ka DHacay U DHaxeeyay Somaliland Maamulka Putland.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Gudaha:-Faah Faahin Dheerada Xaalada Degmada Tuka-raq Oo Maalintii Shalay Dagaal Ka DHacay U DHaxeeyay Somaliland Maamulka Putland.

Wararkii ugu dambeeyey ee aanu hadda ka helayno deegaanka Tukaraq ee gobolka Sool ayaa sheegaya in xaaladdu ay saaka sidii shalay ka degan tahay uusanna jirin dagaal foolka fool ah oo dhexmaray ciidamada labada dhinac ee ku sugan aaggaasi. Ciidanka Puntland iyo kuwa Soomaaliland ayaa waxaa lagu soo waramayaa inay ku sugan yihiin fariisimadii ay kaga sugnaayeen shalay galab deegaankaasi, waxaana meelaga qaar laga maqlayaa rasaasta ka dhacda qoryaha culus oo ciidanku ridayaan.


Hogaamada labada ciidan ayaa lagu soo waramayaa inay ciidankooda geliyeen heegankii ugu dambeeyey islamnarkaana ay hadda kujiraan diyaar garaw ku aadan difaaca aaggaasi ay kaga jiraan xilli midba midka kale ku eedaynayo dagaalkii shalay. Shirar kala duwan oo lagu qabtay Garoowe iyo Hargaysa ayaa waxaa Mid Kasta ku sheegay in kan kale uu dhankiisa shalay aroortii weerar ku soo qaaday mana jiraan warar madax banaan oo xaqiiqada deegaankaasi sheegaya.