Laascaanood:Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Gacanta Dhigay Sarkaalkii Ugu Darajada Sareeyay Ciidamada Puntland Iyo Maxaabiis kale oo Tiro Badan

0
Saturday May 26, 2018 - 09:38:53 in by salman abdi
  • Visits: 623
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Laascaanood:Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Gacanta Dhigay Sarkaalkii Ugu Darajada Sareeyay Ciidamada Puntland Iyo Maxaabiis kale oo Tiro Badan

    Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Sarkaalkii Ugu Darajada Sareeyay Ciidamada Puntland Iyo Maxaabiis Tiro Badan.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ciidamada Qaranka Somaliland Oo Gacanta Kusoo Dhigay Sarkaalkii Ugu Darajada Sareeyay Ciidamada Puntland Iyo Maxaabiis Tiro Badan.
Ciidamada Qaranka Somaliland ayaa dagaalkii ay la galeen Maamulka puntland waxay gacanta kaga soo dhigeen maxaabiis tiro badan iyo gaadid dagaal oo kala duwan.

 
 
Warar Aanu Helayno Ayaa Sheegaayain ciidamada qaranka Somaliland ay dagaalkaasi kusoo qabteen maxaabiis tiradooda lagu sheegay 70 (todobaan maxbuus oo askar ah) iyo gaadiid dagaal oo kala duwan oo iyana tiradooda lagu sheegay Sagaal Gaadhi oo nooca dagaal ah iyo hal kaare oo isna laga gubay.

 
Geesta kale wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada qaranka Somaliland ay gacanta kusoo dhigeen Sarkaalkii ugu darajada sareeyay ciidamada Maamulka Puntland ee dagalkaasi ku jiray, waxaana Sarkaasi lagu magacabaa Muxiyadiin Axmed Aw Muuse Isagoo ahaa Taliye Xigeenka Ciidanka Putland.

 
 
Wararka ayaa xaqiijiyay in Taliye Xigeenka Ciidanka Puntland Muxiyadiin Axmed Aw Muuse gacanta lagu dhigay isagoo dhaawac ah, waxaana sarkaalkaan iyo maxaabiis kale oo laga qabtay maamulka puntland habeenkii xalay ahaa lasoo gaadhsiiyay Xabsiga weyn ee magaalada burco.
 
 
 
Muxiyadiin Axmed Aw Muuse ayaa hore loogu xasuustaa inuu la goostay ciidamo maleeshiyo ah kuwaas oo kazoo horjeestay maamulka  puntland sanadkii 2015, balse mar danbe ay waanwaan la gashay maamulka puntland uu dib ugu soo laabtay ciidamadii, waxaana hayb ahaan uu kasoo jeedaa beesha Ciise Maxamuud oo ah Majeerteen.