Hargeysa:Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo maanta si rasmi ah Wasaarad walba ugu wareejisay tirada shaqaalaha ee is-diiwaangeliyey

0
Monday May 28, 2018 - 17:42:09 in by salman abdi
  • Visits: 468
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeysa:Hay'adda Shaqaalaha Dawladda oo maanta si rasmi ah Wasaarad walba ugu wareejisay tirada shaqaalaha ee is-diiwaangeliyey

    Guddomiyaha Hay'adda Shaqaalaha oo faahfaahiyey islamarkaasna Bartiisa Facebook soo geliyey qoraal uu ku faahfaahinayo ayaa yidhi sidan:

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddomiyaha Hay'adda Shaqaalaha oo faahfaahiyey islamarkaasna Bartiisa Facebook soo geliyey qoraal uu ku faahfaahinayo ayaa yidhi sidan:


Hay'adda Shaqaalaha Dawladda JSL - Civil Service Commission ayaa maanta si rasmi ah Wasaarad walba ugu wareejisay tirada shaqaalaha ee is-diiwaangeliyey, si ay faraqa uga soo falceliyaan.

- Waxaa maanta si rasmi ah loo soo xidhay hawl-qabadkii tamarta badan la geliyey ee tirinta shaqaalaha dawladda si loo tayeeyo.

- Wasaarad iyo hay’add walba oo dawladeed waxaa loo dhiibay xogtii shaqaalaheeda oo tafatiran si ay u soo darsaan isla markaana ay markii ugu dambaysay uga soofalceliyaan.

-Kulankan oo ay kasoo qaybgaleen Agaaasimeyaasha guud iyo Ag/waxeedyada maamulka iyo kobcinta cudduda shaqaalaha ee wasaaradaha iyo hay’adaha madaxa banaan ee dawladda ayaa lagaga tashaday jidka loo marayo shaqaale haboon, shaqo-qaybsan , shaqaalayn hufan iyo daba-gal cad oo shaqaalaha dawladda lagu hubiyo joogitaan iyo bixinta adeeg hufan-ba

-Intii kulanku socday ayaa Agaasimeyaasha guud ee dalka iyo hay’adda shaqaalaha dawladdu wada yeesheen tallooyin iyo xog-is waydaarsi iyadoona loo balamay dawladayn casri ah iyo adeeg raaliya geliya shacabka

-Ugu dambayn agaasimeyaasha guud oo ay wehelinayaan ag/waxeedka maamulka iyo kobcinta cudduda shaqaaluhu waxaa lagu wareejiyey xogtii wasaaradiisa si ay u soo faaqidaan ugana soo warceliyaan.

-Kulanka u dambeeya ee xidhitaanka ayaa loo balamay marka Ciidka laga soo noqdo taasi oo lasoo bandhigi doonno xogtii ugu qiimaha iyo tirada badnayd ee laga soo helay Shaqaalaha dawladda oo shaxaysan, halkaas oo la heli doonoo kaalmaha shaqo ee u baahan in la buuxiyo iyo guud ahaan xaalada ay ku suggan yihiin shaqaalaha dawladdu Tallaabooyinkii u dambeeyey ee tirinta shaqaalaha dawladda iyo bilowga tayeynta shaqaalaha


Image may contain: 6 people, people sitting

Image may contain: 5 people, people standingImage may contain: 6 people, people smiling, people standingImage may contain: 5 people, including Mohamed Yousof Bakayle, people smiling, people standingImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 6 people, people standingImage may contain: 5 people, people standingImage may contain: 4 people, including Rooble Mohamed, people standingImage may contain: 12 people, people standingImage may contain: 4 people, people sittingImage may contain: 8 people, people sitting