Tunisia:-Madaxweynihii Hore Ee Dalka Tunisia Oo maxkamada La Saari Doon+Sababta.

0
Wednesday May 30, 2018 - 09:33:04 in by salman abdi
  • Visits: 463
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Tunisia:-Madaxweynihii Hore Ee Dalka Tunisia Oo maxkamada La Saari Doon+Sababta.

    Tunisai:-Madaxweynihii Hore Ee Dalka Tunisia Oo maxkamada La Saari Doon+Sababta.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Tunisai:-Madaxweynihii Hore Ee Dalka Tunisia Oo maxkamada La Saari Doon+Sababta.

Dacwaddii ugu horreysay oo ay soo gudbiyeen guddiga baaraya tacddiyada aadahana ee laga gaystay dalka Tunisia ayaa maanta ka furantay magaalada Gabe ee dalkaasi.
 
Saraakiil Afar iyo tobban gaaraya oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee Tunisia Zein Al Caabiddiin bin Cali ayaa lagu soo oogay inay ku lug lahaayeen dil horraanti sagaashamaadkii dalkaasi loogu gaystay nin xubin ka ahaa dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta ee xisbiga Al-Nahdda.
 
Madaxweynihii hore ee Tunisia oo dalka Sacuudiga magangelyo siyaasadeed u jooga ayaa la maxkamadayn doonaa isagoo maqan.
 
Guddiga runta iyo ilaalinta xuquuqda aadanaha dalkaasi ayaa la asaasay ka dib markii


 

ay soo afjarmeen dibadbaxyadii ka dhashay gugii carabta.
 
Waxayna guddigan sheegeen inay diiwan geliyeen in ka badan 60,000 oo xadgudub oo ka dhan xuquuqul insaanka.
 
Guddigan ayaa sidoo kale 30 dacwadood oo xasaasi ah u gudbiyay maxakamadaha ku yaalla dalka Tunisia.