Suuriya:-Suuriya oo ictiraaftay deegaanno ka go'ay Dalka Georgia.

0
Thursday May 31, 2018 - 09:08:34 in by salman abdi
  • Visits: 312
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suuriya:-Suuriya oo ictiraaftay deegaanno ka go'ay Dalka Georgia.

    Suuriya:-Suuriya oo ictiraaftay deegaanno ka go'ay Dalka Georgia.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suuriya:-Suuriya oo ictiraaftay deegaanno ka go'ay Dalka Georgia.

Suuriya aya ictiraaftay laba deegaan oo uu Ruushka ka qabsaday Georgia, deegaannadaasi oo la kala dhaho Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia-iney yihiin dal Georgia ka madax bannaan taasoo ka careysiisay Georgia.

wasiirka arrimaha dibadda Gergia oo tallaabbadaasi Suuriya ka jawaabay ayaa wuxuu sheegay inuu dalkiisu u jray calaaqaadka Diblomaasiyadeed ee uu laha Suuriya.

Iyada oo aan lagu darin Ruushka iyo Suuriya waxaa sida oo kale Ictiraafay iney dal madax bannaan yihiin dalalka Venezuela, Nicaragua, Vanuatu and Nauru oo keli ah.

Khariirad muujineyso gobollada Georgia ee ay ictiraaftay Suuriya
Image captionKhariirad muujineyso gobollada Georgia ee ay ictiraaftay Suuriya

Madaxweynaha Suuriya ayaa xiriir aad u dhaw la leh dhiggiisa madaxweyne Viladmir Putin marki uu Ruushka ciidama xoog badan oo Diyaarado ku hubeysan uu bisha September 2015 uu u diray Suuriya si ay dagaallada gudaha Suuriya ka socda ay uga caawiyaan.

Faragelinta Rushka uu ku sameeyey siyaasadda gudaha Suuriya waxay madaxweyne Asad ay u suuragelisay iney ciidamadiisu dib u qabsadaan dhul badan oo ay ka haysteen kooxaha ka soo horjeeda.

Suuriya ayaa waxay dhankeeda ka sheegtay iney safaarado ka furaneyso Abkhazia iyo Koonfurta Ossetia sida oo kale maamullada gobolladasi madaxbannaanidooda ay aqoonsatay Suuriyana waxay dibloomaasiyiintooda u soo dirsadeen Suurriya.

Marki ay Suuriya ku dhawaaqday iney ictiraaftay gobolladaasi, Georgia "waxay billaawday iney meel mariso tallaabbo ay ku joojineyso xiriirka dibloomaasiyadeed ee ka dhaxeeyey labada dal"

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Georgia David Dondua wuxuu sheegay xukumadda madaxweyne Asad iney si weyn u taageersaneyd gardarrada militari ee uu Ruushka ku sameeyey Georgia, iyo qabsashada sharci darrada ah ee Abkhazia iyo Tskhinvail (Koonfurta Ossetia) iyo isir tirtiridda uu sanado halkaa ka waday Ruushka.