Wadamada DJabouti Iyo Somalia Oo Hada Heshis Wada Gaashay +Arimaha Ay Ka Wada Heshiyeen Labada Dal.

0
Thursday May 31, 2018 - 13:56:19 in by salman abdi
  • Visits: 313
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wadamada DJabouti Iyo Somalia Oo Hada Heshis Wada Gaashay +Arimaha Ay Ka Wada Heshiyeen Labada Dal.

    Wadamada DJabouti Iyo Somalia Oo Hada Heshis Wada Gaashay +Arimaha Ay Ka Wada Heshiyeen Labada Dal.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Wadamada DJabouti Iyo Somalia Oo Hada Heshis Wada Gaashay +Arimaha Ay Ka Wada Heshiyeen Labada Dal.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliy Axmed Ciise Cawad iyo wafdi uu hoggaaminayo oo muddo laba cisho ah booqasho ku joogay dalka Jabuuti ayaa la kulmay madaxda dalkaasi.

Wasiir Cawad waxaa uu la kulmay wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, iyagoo ka wada hadlay xoojinta xiriirka iyo iskaashiga ballaaran ee labada dal iyo labada shacab ee walaalaha ah.

Labada Wasiir ayaa kala saxiixay heshiisyo Saddex ah oo uu ku jiro mid ku qotoma iskaashiga ammaanka, iyaga oo balan qaaday heshiisyadan in ay noqon doonaan kuwo si dhaw u dhaqan gala.

Dhinaca kale Wasiirka Wasaaradda Arrimaha dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Amb. Ahmed Isse Awad oo ay ku wehliyeen socdaalkiisa Xildhibaanno ka tirsan Golaha Shacabka iyo Siihayaha xilka Agaasimaha Waaxda Afrika ee Wasaaradda Mudane Khaliif Cali Xaashi Cilmi ayaa waxa ay booqasho sharafeed ugu tageen Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.