Suudaan:-Dowladda Suudaan-ta Koonfureed oo loo qabtay bil iney dagaallada ku soo afjarto.

0
Friday June 01, 2018 - 08:01:29 in by salman abdi
  • Visits: 436
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suudaan:-Dowladda Suudaan-ta Koonfureed oo loo qabtay bil iney dagaallada ku soo afjarto.

    Suudaan:-Dowladda Suudaan-ta Koonfureed oo loo qabtay bil iney dagaallada ku soo afjarto.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suudaan:-Dowladda Suudaan-ta Koonfureed oo loo qabtay bil iney dagaallada ku soo afjarto.

Qaramada Midoobay ayaa dowladda Suudaan-ta Koonfureed u qabtay bil iney ku gaarto heshiis ay dagaallada ku soo afjareyso haddii kale ay la kulmi doonto cunaqabateyn.

Golaha ammaanka ee qaramda midoobay ayaa wuxuu qaraar ka soo saaray Suudaan-ta Koonfureed qaraarkaasi oo digniin lagu siinayaa dhinacyada isku haya dalkaasi iney heshiis nabadeed ku soo gaaraan haddii kale ay wajihi doonaan cunaqabateyno.

Wasiirka gaashaandhigga Suudaan-ta Koonfureed (Kuol Manyang Juk) iyo afar mas'uul oo kale ayaa la xayirayaa hantidooda waxaana lagu soo rogayaa cunaqabateyn dhinaca socdaalka ah haddii heshiis la gaari waayo.

Danjiraha Mareykanka u fadhiya qaramada midoobay, Nikki Haley waxay sheegtay Mareykanka oo dalka qaraarkan in la soo saaro dusha ka riixayey uu dulqaadku haatan ka dhammaaday.

Itoobiya oo ah waddanka wadahadallada nabadda ee dowladda iyo kooxaha ka soo horjeeda marar badan marti gelisay ayaa ka mid ah waddamada lixda ah ee ka aamusay meel marinta qaraarka uu golaha ammaanku soo saaray.

Madaxweynaha Suudaan-ta Koonfureed Salva KiirLahaanshaha sawirkaAFP
Image captionMadaxweynaha Suudaan-ta Koonfureed Salva Kiir

Dagaallada sokeeye waxay Suudaan-ta Koonfureed ka qarxeen shan sana ka hor marki uu madaxweyne Salva Kiir uu xilka ka qaaday Madaxweyne ku xigeenkiisa Riek Machar.