Somaliya:-Khilaaf Ka Sharci Oo Ka Dhashay Magacaabista Gudoomiya Cusub Ee Maxkamada Sare Somalia Garyaqaan Baashe Axmed Yuusuf.

0
Friday June 01, 2018 - 12:42:32 in by salman abdi
  • Visits: 793
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliya:-Khilaaf Ka Sharci Oo Ka Dhashay Magacaabista Gudoomiya Cusub Ee Maxkamada Sare Somalia Garyaqaan Baashe Axmed Yuusuf.

    Aqalka "Villa Somalia" ee madaxtooyada Dawlada federalka Somalia Waxa shalay oo ay bishu ahayd 29-5-2018 lagu qabtay munaasibad xilka loogu dhaarinayo gudoomiye cusub oo Madaxweyne farmaajo udoortay inuu noqda gudoomiyaha maxkamada Sarre So

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Aqalka "Villa Somalia" ee madaxtooyada Dawlada federalka Somalia Waxa shalay oo ay bishu ahayd 29-5-2018 lagu qabtay munaasibad xilka loogu dhaarinayo gudoomiye cusub oo Madaxweyne farmaajo udoortay inuu noqda gudoomiyaha maxkamada Sarre Somalia, Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.
Munaasibada loogu dhaariyey gudoomiya cusub ee madaxweynuhu magacaabay kama uu soo qayb gelin gudoomiyaha madaxweynuhu sheegay inuu xilkii kaqaaday maxkamada sare, Garyaqaan Ibrahim Iidleh Suleiman iyadoo ay ahayd inuu munaasibada joogo xilkana ku wareejiyo gudoomiyaha cusub.

 

Balse Garyaqaan Ibrahim Iidleh sulayman oo ah gudoomiyaha uu sheegay inuu madaxweynuhu xilka kaqaaday waxa uu ku sababeeyey diidmadiisa in Madexweyne Farmaajo uu San u Marin magacaabida gudoomiye cusub si waafaqsan sharciga. Sidaas darteed isagu yahay gudoomiya sharciga ah ee maxkamada sare. Gudoomiyaha cusub na magacaabistisu tahay sharci daro.

Dastuurka ku meel-gaadhka ee jamhuriyada federalka Somalia. Waxa uu qeexayaa xilka iyo awoodaha Madaxweynaha federalka Somalia. Sida ku xusan Qodobka 90aad ee dastuurka . Faqrada (j) ee qodobkaas
" Madexweynuhu Wuxuu magacaabaa Guddoomiyaha Maxkamadda Dastuuriga, Maxkamadda Sare iyo Garsooreyaasha kale Heer-Federaal, soo-jeedinta Guddiga Adeegga Garsoorka ka dib”
Guddiga Adeegga Garsoorku u may soo jeedin madaxweynaa magacaabida garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed.

Dastuurka ku meel-gadhka ah wuxuu awood u siinayaa guddida Adeegga Garsoorka soo magacaabida gudoomiya maxkamada dasturiga, iyo maxkamada sare iyagoo Shakhsiga ay soo xulaan u soo jeedinaya Madaxweynaa Federalka si uu u magacaabo . Sida ay dhigayaan Qodobada 109A faqradiisa 6aad Xarafka (A). Iyo qodobka 109B faqradiisa 2aad.

Madexweyne Farmaajo Hadalkii uu ka jeediyey munaasibada dhaarinta gudoomiyaa cusub wuxuu ku sheegay in ay diraasad sameeyeen diraasadaasna ay uga soo baxday in dibu habayn "reform" lagu sameeyo Garsoorka dalka. Dibu habeyntaasna magacaabista gudoomiya maxkamada sare kaw tahay Tallabada ku xigtaana ay tahay Asaasida Guddida Adeega Garsoorka guddidaasina la wareegto Hawsheeda iyo waajibadkeda.

Hadalka madaxweynuu wuxuu tilmaamaya in guddida Distoriga ah ee madaxa bannan guddida Adeegga Garsoorka uu Weli Aasaasnayn.

Isku soo Wada duuboo Waxaa jirra dhinac u hambalyeynaya gudoomiya cusub iyo dhinac ku Eedeyey Madexweyne Farmajo in uu dasturka ku gefey isla markaana uu sameeyey Awood Maroorsi Taasi oo meesha ka Saaraysa Madaxbanaanida Garsoorka federalka Somalia.

Khilaafkan sharci oo keenay in gudoomiyii hore maxkamada sare Somalia Garyaqaan Ibrahim Iidleh uu diido xilwareejinta iyo ka soo qayb gelida munaasibada lagu dhaarinayo Gudoomiya cusub ee Maxkamada Sare Garyaqaan Baashe Yuusuf Axmed