Wajaale:-Hay’adda Action Aid Oo Dhismayaal Cusub Iyo Dayactir Ka Hir Gelinaysa Dugsiga Hoose Dhexe Ee Wajaale+Sawiro

0
Friday June 01, 2018 - 12:52:49 in by salman abdi
  • Visits: 770
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wajaale:-Hay’adda Action Aid Oo Dhismayaal Cusub Iyo Dayactir Ka Hir Gelinaysa Dugsiga Hoose Dhexe Ee Wajaale+Sawiro

    Hay'adda Action Aid ayaa dhagax dhigtay dayactir balaadhan oo lagu samaynayo dugsiga hoose dhexe ee Mahdi Cali ee magaalada Wajaale.

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hay'adda Action Aid ayaa dhagax dhigtay dayactir balaadhan oo lagu samaynayo dugsiga hoose dhexe ee Mahdi Cali ee magaalada Wajaale.


Mashruucan ayaa lagu dayactirayaa lix fasal, istoodhka, Iyo Madbakha oo ka mid ah dugsiga hoose dhexe ee Cali Mahdi, halka la dhisi doono afar fasal oo cusub iyo sideed suuli oo ay baahi u qabaan ardayda dugsigaasi.

Munaasibad lagu qabtay xarunta dugsigaasi ee magaalada Wajaale oo aayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha gobolka Gabiley, agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada, madaxda hay’adda Action Aid ee somaliland, maamulka Wajaale, waalidiin, ardayda dugsiga Mahdi Cali iyo marti sharaf kale.

 

Madaxa hay’adda Action Aid Sacdiya Caalin oo ugu horayn ka hadashay munaasibadan ayaa ka warantay baahiyaha yaala dugsigan waxaanay tidhi "Dugsigan maaha markii noogu horaysay ee aanu wax ka qabanay, fasalo hore ayaanu ku kordhinay, waanu noo calaamadsanaa anaga oo ogayn in fasalada iyo ardayda dhiganaysaa ay kala badnaayeen, waxaanan u mahad celinayaa hay’adda TX Foundation oo maal galinaysa mashruucan waxaanan rajaynaynaa inaanu noqon mashruucii ugu horeeyey ee aynu ka helno.”

Marwo Sacdiya Caalin ayaa sidoo kale ka warantay hay’adda TX Foundation ee mashruucan maal galinaysa waxaanay tidhi "Xafladan waxa maanta gaar ku ah in dadkan inoo maal galinaya ee hay’adda TX Foundation ay inooga yimaadeen meel aad u fog iyada oo aynu markii hore mashaariicda ka heli jirnay ay ahaayeen reer yurub iyo Maraykanka balse maant barigii fogaa ayaa dareemay baahida waxbarasho iyo taageerada ay u baahan yihiin dadka reer somaliland, waana wajigii ugu horeeyey ee mashruuca waxbarashada ee ay hay’adda TX Foundation inagala shaqayn doonaan iyo waxyaabaha kale ee aynu daruuriga u aragno, waxaanan rajaynayaa inuu noqdo bilaw fiican oo laga gun gaadho laguna guulaysto, caruurta dugsigan dhigataana ay ka aflaxdo.”

Sidoo kale Marwo Sacdiya Caalin ayaa ka warantay muhiimada ay leedahay waxbarashadu "Waxbarashadu waa furaha uu bina aadanku kaga xoroobo mugdiga oo uu ku furto nolol tayo leh, waxaanay inaga xoraynaysaa dhibaatooyinka maanta inagu gadaaman ee ay ka mid yihiin qabyaalada, dagaalka iyo kala jeclaysiga iyada oo aanay dadkeenu fursado shaqo wada haysan, haddii aanad shaqo ku helina aqoontoodaadii shakhsiyadeed ayey dhisaysaa oo tayadii gurigaaga ayey wax ka badalaysaa, markaa waxbarashadu waa furaha nolosha.”

Ugu dambayn Marwo Sacdiya Caalin ayaa dadweynaha Wajaale ugu baaqday inay ku dedaalaan waxbarashada waxaanay mar kale tidhi "Waxaan dadweynaha reer Tog Wajaale ku dardaarayaa inay si isku mid ah u eegaan waxbarashaSda wiilasha iyo hablaha waayo labadaba waajib isku mid ah ayaa inaga saaran inaynu caruurteena wax wada barno, waana in dadweynuhu ay ku dedaalaan in waxbarashada kor loo qaado.”

Madaxa hay’adda TX Foundation oo maal galinaysa mashruucan laga fulinayo dugsiga hoose dhexe ee degmada Wajaale oo munaasibadan ka hadashay ayaa ka warantay hawlaha ay qabato hay’addoodu waxaanay tidhi "Hay’adda TX foundation waxay ka shaqaysaa waxbarashada sababta waxa weeyaan waxbarashada waa ta kaliya ee lagu badali karo nolosha, bulshada iyo wadankaba oo lagaga dhigi karo mid fiican, waxaanan aad ugu faraxsanahay inaanu somaliland nimaadno anaga oo ka shaqaynayna waxbarashada kuna dedaalayna in caruurtu ay helaan waxbarasho.”

Sidoo kale waxay ka warantay caqabadaha haysta waxbarashada somaliland waxaanay tidhi "Waxaan ka war hayaa in caqabado badani ay hor taagan yihiin somaliland gaar ahaan xaga waxbarashada, hablahana waxbarashadooda caqabado ayaa ku gudban, waxaanan ku boorinayaa hablaha inay ku dedaalaan waxbarashada oo ay ku daydaan madaxa hay’adda Action Aid, waxaanan maanta halkan kaga dhawaaynaa inaanu dugsigan ku dari doono afar fasal oo cusub, lix fasal oo la dayactiri doono, sideed suuli oo la dhisi doono, waxa kale oo la dayactiri doonaa madbasha iyo istoodhka, waxaanan lix bilood ka dib soo noqon doonaa dhismahaas oo la dhamaystiray.”

Gudoomiyaha gobolka Gabiley oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa ka war bixiyey mashaariicda laga hir gelinayo dugsigan waxaanu yidhi "Waxaynu maanta joognaa iyada oo laynoo balan qaadayo in dugsiga hoose dhexe ee Mahdi Cali lagu kordhinayo afar fasal, lix fasalna u dayactirayaan iyada oo la hagaajin doono madbakha iyo suuliyada, waxanan u mahad celinayaa cida kasta oo ka soo shaqaysay iyo cida isku soo hawshay, anaguna waanu gudoonay.”

Gudoomiyaha oo hadalkiisa sii wata ayaa ku baaqay in la ilaaliyo mashaariicda laga hir gelinayo dugsigan "Maamulaha, waalidiinta dugsiga iyo ardayda dugsigan loo hagaajinayo waxaan siinayaa kalmad dardaaran ah waxaanan leeyahay hawshaas laydiin qabanayo ku fara adayga oo fududeeya sida hawshan loo fulinayo, waxaanan maamulka degmada Wajaale ku boorinayaa inay garab istaagaan hawshan maamulka degmada Wajaale, ardayduna waa jiilkii ina badali lahaa barito, haddii aynu wayno cid ina badasha waxbarashadeenu waxay noqon doontaa mid lunta.”

Ugu dambayn gudoomiyaha gobolka Gabiley ayaa dardaaran u jeediyey ardayda sanadkan u fadhiisanaysa imtixaanaadka shahaadiga ah "Dardaarankaygu waxa weeyaan in hawsha dugsigan laynooga qabanayo iyo inti hore ee aynu qabanay in la ilaaliyo oo dayaca laga ilaaliyo, waxaanan ardayda dugsigan ka baxaysa iyo kuwa dugsiga sare-ba ay u diyaar garoobaan imtixaanka shahaadiga ah oo ay dedaalaan.”

Agaasimaha guud ee wasaarada waxbarashada iyo sayniska somaliland Maxamed Faarax Xareed oo isaguna ka hadlay munaasibadan ayaa si weyn ugu dheeraaday muhiimada ay leeyihiin mashaariicdan laga hir gelinayo dugsiga Mahdi Cali, isaga oo dadweynahana u soo jeediyey inay ilaashaadaan mashaariicdan.

Sidoo kale waxa munaasibadan ka hadlay maamulka waxbarashada ee gobolka Gabiley, ka degmada Wajaale, Waalidiin iyo marti sharaf kale kuwaas oo dhamaantood ka waramay muhiimada uu dayactirka dugsigani u leeyahay ardayda Wajaale, iyada oo u mahad celiyey Hay’adda Action Aid oo fulinaysa mashruucan iyo hay’adda TX Foundation oo maal galinaysa.

Ugu dambayna hay’addaha Action Aid, TX Foundation iyo guddida dugsiga hoose dhexe ee Cali Mahdi ee Wajaale ayaa si wada jira u saxeexay heshiiska isafgarad ee lagu dayactirayo dugsiga, laguna hir gelinayo dhismayaasha cusub.