Galgalo:-Xooggag hubeysan oo weeraray saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Bari
Wararka ka imanaya gobolka Bari ayaa sheegaya in uu halkaa dagaal culus ku dhaxmaray ciidamo ka tirsan kuwa dowlad gobolleedka Puntland iyo xooggag loo maleynayo in ay ka tirsan yihiin Al-shabaab oo weerar ku qaaday saldhig ciidan.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka labada dhinac uu socday dhawr saacadood oo xiriir ah, lamna oga khasaare dhimasho iyo dhaawac ee ka dhashay dagaalka.
Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Puntland ayaa sheegay in Afurkii salaada maqrib ka dib inay soo weerareen xooggag ka tirsan kooxaha ku dhuumalaysta buuraha Galgala islamarkaana ciidanku iska difaaceen.
Waxaa ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan khasaaraha dhinacooda soo gaarey, madaama xilligu habeen yahay, waxaana warar madax banaan sheegayaan dagaalka caawa dhacay in uu ahaa mid culus oo saacado xiriir ah socdey.
Ma’aha markii ugu horeysay oo ciidamada Puntland iyo Al-shabaab isku fara-saaraan gobolka Bari, gaar ahaan deegaanka Galgala oo ay dhowr jeer oo hore ku dagaalameen.
Galgalo:-Xooggag hubeysan oo weeraray saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Bari
Galgalo:-Xooggag hubeysan oo weeraray saldhig ciidamada Puntland ku leeyihiin gobolka Bari