Hargeisa:-"Loolanka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Sunnida iyo Shiicada, Maraykan iyo Ruushka, Turkiga + Qadar, waa dano Sun ah.." Dr Sacad

0
Saturday June 02, 2018 - 09:07:14 in by salman abdi
  • Visits: 274
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hargeisa:-"Loolanka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Sunnida iyo Shiicada, Maraykan iyo Ruushka, Turkiga + Qadar, waa dano Sun ah.." Dr Sacad

    Hargeisa:-"Loolanka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Sunnida iyo Shiicada, Maraykan iyo Ruushka, Turkiga + Qadar, waa dano Sun ah.." Dr Sacad

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Hargeisa:-"Loolanka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Sunnida iyo Shiicada, Maraykan iyo Ruushka, Turkiga + Qadar, waa dano Sun ah.." Dr Sacad

Wargeysku wuxuu sheegay in dekedda Berbera oo meesha ay ku taallo uu muhiim ka dhigay gacanka Suez Canal oo ah marin mashquul badan oo dhanka badda ah ay hadda ku loolamayaan quwado kala duwan oo ah khaliijka, Turkiga, Iiraan, halka aanay Ruushka iyo reer Galbeedku meesha ka maqnayn. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa iftiimiyay in dalal dano kala duwan leh oo haddii ay isku murgaan noqonaya dano sumaysan ay hadda ku cusub yihiin Somaliland "Loolanka Bariga Dhexe ee u dhexeeya Sunnida iyo Shiicada, Maraykan iyo Ruushka, Turkiga iyo Qadar, waa dano Sun ah oo wada jir noogu kulmaya,” Sidaas ayuu yidhi Dr Sacad. "Jaahwareerkii Bariga Dhexe wuxuu si dhakhso ah oo xooggan ugaga sii daraya xaaladda halista ahayd ee awalba Militarigaraysanayd ee Geeska Afrika. Waddamada Khaliijku waxay doonayaan in ay gobolkan control-lan si ay taageero dhaqaale oo aan ku tiirsanayn wax soo saarka shidaalka mustaqbalka uga helaan. Diyaarna ugu noqdaan dagaal mustaqbal oo Iiraan ah,” Sidaas waxa yidhi Rashiid Cabdi oo ku xeel dheer arrimaha gobolka kana tirsan hay’adda xasaradaha adduunka ee fadhigeedu Brussels yahay. Wargeysku waxa uu sheegay in Maraykanku hadda iska waayay khariidada Geeska Afrika inkasta oo uu lacag badan galiyay la dagaallanka budhcad badeeda iyo weerarrada Drone-ta loo adeegsado ee uu Soomaaliya ka fuliyo haddana aanu saamayn siyaasi ah ku lahayn sida laga soo xigtay diblamaasiyiin inkasta oo aanay wargeyska u jawaabin waaxda arrimaha dibadda si loo waydiiyo danayntooda arrimaha Geeska. Wargeysku waxa kale oo uu ka hadlay muhiimadda ay dekedda Berbera u yeeshay u dhawaanshaha Yemen oo ay hawlgallo ka wadaan xulufada Sucuudigu. Tani waa tan dedejisay Saldhigga Militari ee Imaaraadku ka yagleeshay Berbera si looga hor tago saamaynta Xuutiyiinta taageerada ka hela Iiraan. Madaxda shirkadda DP World ee Berbera ayaa wargeyska u sheegay in ay 20% waxqabadka dekedda kordhiyeen sanadkii tagay, islamarkaana ay muddadii ay maamulayeen ku kordhiyeen qalab door ah oo casri ah, islamarkaana rajadoodu tahay in ay sanadaha soo socda dekedda Berbera isu bedesho meel casri ah oo u adeegta Itoobiya iyo meelo badan oo Bariga Afrika ah. Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland waxa uu sheegay in ay dhanka Citiraafka ka saacidayaan heshiisyada Berbera, islamarkaana uu rajaynayo in dad badan oo dhaqaale ahaan iyo siyaasad ahaan u danaynaya Somaliland ay yimaaddaan iyaga oo ku soo dhiiranaya heshiisyada horumarineed iyo Militari ee Berbera.